![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
|||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
War Saxaafadeed Kulanka Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada Kulan aad u xasaasi ah oo ay yeesheen golaha wasiirada iyo Madaxweynaha soomaaliya ayaa maanta oo talaada ah ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya. Shirka ayaa ku saabsanaa warbixin uu madaxweynihu siinayay iyo talooyin wax ku ool ah oo uu madaxweynuhu la wadaagay Golaha wasiirada.
Shirkan ayaa waxaa ugu horeeyntii lagu hordhaariyay Madaxweynaha labo wasiir Dowlo oo kale ah:-
1- Mudane C/laahi Sheekh Cali
Wasiiru dowlaha Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.
2- Mudane C/laahi Yuusuf Cigaal
Wasiiiru dowlaaha Wasaarada Dastuurka iyo Arimaha Federaalka.
Waxaana madaxweynaha ku hordhaariyay Wasiirka Cadaalada Mudane C.raxmaan Maxamed Faarax Janaqoow.
Safaradii Madaxweynaha
Dhaarintaa ka dib Madaxweynuhu wuxuu warbixin ka siiyay Golaha wasiirada Safarkii Madxweynuhu ku tagay Dalalka Qadar, Imaaraadka iyo Jabuuti, waxaana uu tilmaamay madaxweynuhu in guulo dhanka sii xoojinta xiriirka soomaaliya iyo dalalka Carabta ah laga soo gaaray iyo in laga filayo in kaalmo balaaran oo baniaadanimo la soo gaaraan dalka soomaaliya, taakuleeyaana dowlada soomaaliya.
Xilka Saaran Wasiirada
Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in golaha wasiiradu saran yahay xilweyn waxaana uu yiri isagoo arinkaa ka hadlayay “Waxaa dusha idinka saran masuuliyaad waaweyn, waxaana ugu horeyn laydinka rabaa in wasaaradihiina aad waajibka idinka saran gudataan, oo aad waxqabad la timaadaan, dhanka kale inaad dib u heshiisiinta dowr weyn ka ciyaartaan, iyo inaad shacabka u muujisaan fikradan qaldan ee dagaala lagula jiro dowlada oo ah inaan dagaalkani sidaad la socotaan uusan ahayn mid diin, iyo ineysanba jirin sabab loo dagaalamo bacdamaa dowladu ay qaadatay shareecadii islaamka”
Madaxweynuhu wuxuu ku booriyay Wasiirada ineey aad uga howlgalaan xafiisyadooda wasaaradaha oo waqti badan siiyaan wasaaradahooda.
Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in ay tahay in Amaanka Wasiirada uu hoostago Wasaaradaha Amniga iyo Arimaha Gudaha lagana dejiyo siyaasad guud si aysan u dhicin in wasiir walbaahi intuu doono oo ciidan ah ka dhigto ilaalo.
Gargaarka Shacabka Dhibaateysan
Madxweynuhu waxaa uu tilmaamay in dowladda ay masuuliyad ka saran tahay shacabka qaxay ee dhibaataysan kuwa abaaraha ku haystaan dhamaan Jamhuuriyada soomaaliya lagana doonayo ineey golaha wasiiradu ay siyaasad iyo qorshooyin cad cad ka sameeyaan isagoo farta ku fiiqay in:-
1- Shacabka iyo ganacsatada lagu booriyo ineey ka qeyb qaataan kaalmeynta shacabka.
2- In golaha wasiiradu ay ka fikiraan sidii loo aasaasi lahaa Hay’ad uruuriso Sakada si dadka dhibaataysan loogu gudbiyo “Diiwaanu Sakaad”.
Ciidamada Qalabka Sida
Madaxweynuhu oo ka hadlayay arinta ciidanka ayaa yiri “Waxaan wadnaa waa fikrad ah in dalkeena ka hano qaado dowladnimo waxayna u baahantahay in loo helo awood ciidan oo suura gelisa in dowladdu ay keento amaan iyo cadaalad”
Madaxweynuhu ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in ciidamdada qalabka ay helaan daryeel dhan walba ah sidoo kalana ay ubadkoodu helaan daryeel marka ay ku geeriyoodaan danta qaran isagoo ku taliyay in la sameeyo Hay’ad daryeesha Agoonta Ciidamada Qalabka sida.
Midnimada Dowlada
Madaxweynuhu wuxuu ku booriyay Golaha Wasiirada in gudahooda wada shaqeyn ka jirto, oo aysan dhicin in ay warfaafinta dhaliil iyo dhaleeceyn isku mariyaan. Dhanka kale waxaa Golaha wasiirada uu ku booriyay in ay wada shaqeyn la yeeshaan baarlamaanka, si mar walbo loo ilaaliyo midnimada dowlada laamaheeda kala duwan.
Dhamaad
C/qaadir Maxamed Cusmaan(Barnamij)
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Other Press Releases 1.War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka dawladda federalka KMG ee Soomaaliya Mogadishu: Ra’isul... Muqidsho: Warfaa... Not Available in Somali Muqdiso, 05 August 2009,
Remarks with Somali Transitional Federal Government Hillary Rodham Clinton 1.Waxaan ku bogaadinayaa geesinamadii ay naftooda qaaliga ah ugu hureen difaaca Dalka iyo Diinta, waxaana tacsi u dirayaa dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen Geesiyaashii Naftooda Qaaliga ah Ku Waayay Difaaca Dalka ( Naxariistii Jano Allaha Ka Waraabiyo) 2.Sidoo Kale Waxaan Bogaadinayaa ... Maanta Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka qayb galay kulankii baarlamaanka ee manta. Madaxweynuhu qodbad ayuu ka hor akhriyey baarlamaanka maantay. 1. Tacsi uu u diray mudanayaashii baarlamaanka ee geeriyooday dhowr... Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu maantay oo Axad ah taariikhduna tahay 12 ka uu qabtay shir jaraa’id. 1. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa geesiyada ciidankeenn... 1. Salaan 1.Waxaan Tacsi u diraynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaartey
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|