Xulo Luuqaddaada: Somali  |   English  
   Raadi:  
War Saxaafadeed  |  Nagala Soo Xidhiid  

Dowladda Federaalka Kumeel-Gaarka (DFKMG) ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Dowladda Soomaaliyeed ee waqti xaadirkaan adduunyadu aqoonsantahay.

 

Sii aqri

> Home
> Madaxweynaha
> Ra'iisul wasaaraha
> Baarlamaanka
> Maqalka & Fiidiyowyada
> Wararkii ugu dambeeyay
> Xidhiidhada Muhiimka ah
> War Saxaafadeed
> Weydii Dowladda
> Nagala Soo Xiriir


AXDIGA KU MEELGAARKA AH
DASTUURKA



Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin

War Saxaafadeed


Ciidameynta Malleeshiyaatka

Muqdiso, 05 August 2009,

·    Dowladdu waxey in muddo ah ku mashquulsaneyd dib-u-habeynta Ciidamada Qalabka sida ee noocyadiisa kala duwan.
·        Ka dib qorshe dheer iyo ka baaraandegid ku saabsan dib-u-dhiska Ciidanka noocyadiisa kala duwan iyo qaab u sameynta ciidamada maleeshiyaatka, waxaa la go’aamiyey:
·        In la ciidameeyo dhammaan maleeshiyaadka iyadoo la raacayo hab-dhismeedka ciidamada Qaranka ee rasmiga ah;
·        Laga bilaabo maanta dhammaan maleeshiyaadka jira waxey hoostagayaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida;
·        Ujeedada loo ciidameynayo maleeshiyaadka ayaa ah in Ciidanka Qalabka Sida si siman loogu dhaqo anshaxa ciidanimo iyo nidaamka waafaqsan shareecada islaamka ee ay dowladdu ku dhaqanto.
 
MaxkamaddaCiidamada Qalabka Sida.
 
·        Waxaa la magacaabay xubnihii rasmiga ahaa ee Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida;
·        Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa laga bilaabo maanta si rasmi ah u dhaqangaleysa si ay howlaha muhiimka ah ee horyaalla u fuliso.
·        Maxkamaddu waxey ku dhaqmeysaa sharciga ciidamada iyo Shareecada Islaamka.
·        Si haddaba looga hortago falalka aan habbooneyn ee in yar oo ka mid ah ciidamada Qalabka Sida ay geystaan Maxkamadu waxey ilaalin doontaa anshaxa iyo nidaamka dowliga ah ee Ciidamada Qalabka Sida.
·        Looma dulqaadan karo in shacabka Soomaaliyeed ay mararka qaarkood la kulmaan anshax xumo ka timaada Ciidanka Dowladda;
·        Shacabku waxey xaq u leeyihiin xaquuqdooda aasaasiga ah la dhowro oo ay helaan ixtiraamka ay mudan yihiin.
·        Waxaa hubaal ah in Ciidanka Qalabka Sida ay hayaan howlo muhiim u ah shacabka iyo Dalka, intooda baddana ay yihiin kuwo ilaaliya Sharciga, waxeyna mudan yihiin ammaan iyo bogaadin;
 
Taliyeyaasha Hay’adda Nabadsugidda
 
  • Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Ku xigeenkiisaba waxey ii soo gudbiyeen warqadahooda is-casilaada;
·         Ha yeeshee ka dib markii aan ka baaraandegey waxaan go’aansaday in aan ka aqbalin soo jeedintii is-casilaada;
·         Sidaas daraadeed waxaan farayaa Taliyaha iyo ku xigeenkiisaba inay shaqadooda sidii iyo si ka fiican u gutaan ugana soo dhalaalaan xilkooda.

 

Xafiiska Madaxweynaha, Muqdisho


Other Press Releases

1.War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka dawladda federalka KMG ee Soomaaliya

Mogadishu: Ra’isul...

More


2.Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Maraykanka

Muqidsho:  Warfaa...

More


3.Kulanka Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada

Kulan aad u xasaasi ah oo ay yeesheen golaha wasiirada iyo Madaxweynaha soomaaliya ayaa maanta oo talaada ah ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka ayaa ku ...

More


4.

Not  Available in Somali

...

More


5....

More


6.WARSAXAAFADEED KASOO BAXAY XAFIISKA RAYSULWASAARAHA

 

WAR SAXAAFADEED
 
More
7.Shir jaraa’id, August 6, 2009

Remarks with Somali Transitional Federal Government
President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed

Hillary Rodham Clinton
Secretary of State
Nairobi, ...

More


8.Shir jaraa’id - 4th August 2009

1.Waxaan ku bogaadinayaa geesinamadii ay naftooda qaaliga ah ugu hureen difaaca Dalka iyo Diinta, waxaana tacsi u dirayaa dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen Geesiyaashii Naftooda Qaaliga ah Ku Waayay Difaaca Dalka ( Naxariistii Jano Allaha Ka Waraabiyo)

2.Sidoo Kale Waxaan Bogaadinayaa ...

More


9.Shir jaraa’id, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed - 27th July 2009

Maanta Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka qayb galay kulankii baarlamaanka ee manta. Madaxweynuhu qodbad ayuu ka hor akhriyey baarlamaanka maantay.

Waxyaabihii uu qodbadiisa ka hadlay waa sidatan:

1. Tacsi uu u diray mudanayaashii baarlamaanka ee geeriyooday dhowr...

More


10.Shir jaraa’id, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed - 12th July 2009

 Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu maantay oo Axad ah taariikhduna tahay 12 ka  uu qabtay shir jaraa’id.

Madaxweynuhu wuxuu shirkiisa jaraa’id ku bilaabay sidatan:
 

1. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa geesiyada ciidankeenn...

More


11.Shir jaraa’id - 28th June 2009

1. Salaan
2. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa, Munaasabadihii 26kii June ee Gobollada woqooyi ee Soomaaliya Xorriyadda Qaateen iyo 1da July oo ah maalintii ay Gobollada koofureed Xornimada qaateen iyo weliba mallintii ay Walaaleheena Gobollada Woqooyi suuragal ka dhigeen oo h...

More


12.Shir jaraa’id - 22nd June 2009

1.Waxaan Tacsi u diraynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaartey
2. Waxaan aad ugu mahad celinayaa ciidamada qaybohooda kala duwan iyo shacabka soomaaliyeed ee sida geesinimo leh uga hortegey cadawga dalkooda soo weeraray. Waxaanan hubna Inshallah in ay ...

More


13.Shir jaraa’id, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed - 25th May 2009

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa qabtay Shir jaraaid horraantii mantay oo isniin ah, 25ka May 2009. Madaxwaynahu wuxuu qaabilay oo la hadlay koox saxaafada ka socotey. Madaxwaynuhu shirka jaraaid wuxuu ku bilaabay sida tatan:
 
Home  |  Madaxweynaha  |  Ra'iisul wasaaraha  |  Baarlamaanka  |  Maqalka & Fiidiyowyada  |  Wararkii ugu dambeeyay
Xidhiidhada Muhiimka ah  |  War Saxaafadeed  |  Weydii Dowadda  |  Nagala Soo Xidhiid  |  Barta ShaqaalahaAdministrator

©Copyright 2009.All Rights Reserved