Xulo Luuqaddaada: Somali  |   English  
   Raadi:  
War Saxaafadeed  |  Nagala Soo Xidhiid  

Dowladda Federaalka Kumeel-Gaarka (DFKMG) ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Dowladda Soomaaliyeed ee waqti xaadirkaan adduunyadu aqoonsantahay.

 

Sii aqri

> Home
> Madaxweynaha
> Ra'iisul wasaaraha
> Baarlamaanka
> Maqalka & Fiidiyowyada
> Wararkii ugu dambeeyay
> Xidhiidhada Muhiimka ah
> War Saxaafadeed
> Weydii Dowladda
> Nagala Soo Xiriir


AXDIGA KU MEELGAARKA AH
DASTUURKA



Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin

War Saxaafadeed


Shir jaraa’id, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed - 27th July 2009

Maanta Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka qayb galay kulankii baarlamaanka ee manta. Madaxweynuhu qodbad ayuu ka hor akhriyey baarlamaanka maantay.

Waxyaabihii uu qodbadiisa ka hadlay waa sidatan:

1. Tacsi uu u diray mudanayaashii baarlamaanka ee geeriyooday dhowrkii bilood ee tagey iyo kuwii dhaawacmay. Waa in aan aqoon sannaa waxqabadkoodii. Waxay ahaayeen geesiyaal difaacayay dalkooda. Dhiirranaantooda awygeed, Waxaan shaki kujirin in guddoomiyaha baarlamaanku uu abaalmarin guddoonsiin doono iyaga iyo qoysaskooda.

Muhiimadda ay leedahay in baarlamaanku uu si wanaagsan u shaqeeyo. Mudanayaashu waxay ka munaaqishoon karaan, oo ka doodi karaan, kana hadli karaan waxyaaba horusococka keeni kara. Waannu is dhaliili karraa, hase ahaatee, waa in dhaliilahaas laga soo jeediyo baarlamaanka dhexdiisa si baarlamaanku uu u noqdo mid si wanaagsan u shaqaynaya.

 

• Hoggaamiye yaasha Al-Qaacida ee Cusaama Bin Laadin uu kamidka yahay iyo kuwa kaleba waxay si weyn uga hadleen DFKG. Al-Qaacida waxay si weyn ugu lug leedahay Soomaaliya dagaalyahannada shisheeyana waxay kusoo qul qulayaan Soomaalya. Sidaas awgeed, waa in aan dadkayaga ka ilaalino kana difaacno 

 

• Midnimadu waa lama huraan. Waa in aannu wadashaqaynaa si aan kartideenna ugaga faa’iideysanno. Kalaqayb sanaantu waa cadawga hurumarkeenna  

 

• Dowladda Federaankaa ee Kumeelgaarku waxay samaysay hurumarradan soo socda: 

 

a) Ciidamadeennu waxay si fiican daka uga difaaceen cadawga Al-Qaacida

 

b) Ciidankeenna isku dhafan is dhexgalkoodu aad buu u fiicanyahay ayagoo wadajirana waxay difaaceen dadkooda

 

c) DFKM waxay awood u yeelatay in ay hanato nabadna kusoo dabbaasho gobollada qaarkood, sida Beledeyne oo kale

 

d) DFKG ku waxay beesha caalamka ka haysataa aqoonsi iyo taageero buuxa 

 

e) Horumarka laga sameeyey dib u heshiisiintii aannu ka bilownay djibuuti. Qaarkamid ah Xisbul Islaam iyo Alshabaab ayaa kusoo biiray dowladda qaarkoodna waxay jagooyin ka hayaan golaha wasiirrada.

 

f) Golaha wasiirrada, baarlamaanka iyo madaxweyna intuba waxay ansixiyeen kudhaqanka shareecada.  Soomalidu waa ay taageereen arrintaas mucaaradku shareecada ay sheegayaanna waa mid aan dadka cudur daar looga dhigi karin

 

g) Baarlamaanku wuxuu ansixiyey miisaaniyadda dowladda, taasoo ahayd mid taariikhi ah  

 

h) Shirarkii Burusals iyo Sirte, Liibiya intuba waxay ahaayeen kuwo waxtar u leh dowladda waxayna ku tusinayaan taageerada beesha caalamku ay u hayso soomaaliya

 

i) Waxaannu ku guda jirnaa in aannu dib u habayn ku samayno ciidankeenna qorshahaasna hadda sifiican ayuu u socodaa  

 

• AMISOM mar dhow waxay helidoontaa ciidmo dheeraad ah. Waxaa jira ballan qaad ciidan iyo mid lacageed oo ay noo sameeyeen beesha caalamku. Tani waxay tijaabo u tahay caawinta ay Africa is caawiso  

• Waxaynu leennahay istiraatiijiyad ballaaran oo xagga ammaanka iyo kaalmada aademinimada ah

• Dowladdu waxay sii wadi doontaa tubtii nabadda  

• Waxaan soo dhaweyneynaa guulaha ay ka gaareen Ahlu Sunna Waljamaaca Alshabaab. Waxaan aaminsannahay in ay xaq u leeyihiin in ay iska difaacan weerarrada argagixisada. Waxaannu ku guda jirraa sidii aannu Ahlu sunna istiraatiijiyad ula meel marin lahayn

• Islaamku waa nabadgelyo kuwase dadka dilaya kaddibna sheeganay in ay gudanayaan waajib diini ah waxay hareer mareen qawaaniinta Islaamka. Islaamku wuxuu dhiirro geliya dhawridda dadka iyo hantida


Other Press Releases

1.War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka dawladda federalka KMG ee Soomaaliya

Mogadishu: Ra’isul...

More


2.Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Maraykanka

Muqidsho:  Warfaa...

More


3.Kulanka Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada

Kulan aad u xasaasi ah oo ay yeesheen golaha wasiirada iyo Madaxweynaha soomaaliya ayaa maanta oo talaada ah ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka ayaa ku ...

More


4.

Not  Available in Somali

...

More


5....

More


6.WARSAXAAFADEED KASOO BAXAY XAFIISKA RAYSULWASAARAHA

 

WAR SAXAAFADEED
 
More
7.Ciidameynta Malleeshiyaatka

Muqdiso, 05 August 2009, More


8.Shir jaraa’id, August 6, 2009

Remarks with Somali Transitional Federal Government
President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed

Hillary Rodham Clinton
Secretary of State
Nairobi, ...

More


9.Shir jaraa’id - 4th August 2009

1.Waxaan ku bogaadinayaa geesinamadii ay naftooda qaaliga ah ugu hureen difaaca Dalka iyo Diinta, waxaana tacsi u dirayaa dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen Geesiyaashii Naftooda Qaaliga ah Ku Waayay Difaaca Dalka ( Naxariistii Jano Allaha Ka Waraabiyo)

2.Sidoo Kale Waxaan Bogaadinayaa ...

More


10.Shir jaraa’id, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed - 12th July 2009

 Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu maantay oo Axad ah taariikhduna tahay 12 ka  uu qabtay shir jaraa’id.

Madaxweynuhu wuxuu shirkiisa jaraa’id ku bilaabay sidatan:
 

1. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa geesiyada ciidankeenn...

More


11.Shir jaraa’id - 28th June 2009

1. Salaan
2. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa, Munaasabadihii 26kii June ee Gobollada woqooyi ee Soomaaliya Xorriyadda Qaateen iyo 1da July oo ah maalintii ay Gobollada koofureed Xornimada qaateen iyo weliba mallintii ay Walaaleheena Gobollada Woqooyi suuragal ka dhigeen oo h...

More


12.Shir jaraa’id - 22nd June 2009

1.Waxaan Tacsi u diraynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaartey
2. Waxaan aad ugu mahad celinayaa ciidamada qaybohooda kala duwan iyo shacabka soomaaliyeed ee sida geesinimo leh uga hortegey cadawga dalkooda soo weeraray. Waxaanan hubna Inshallah in ay ...

More


13.Shir jaraa’id, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed - 25th May 2009

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa qabtay Shir jaraaid horraantii mantay oo isniin ah, 25ka May 2009. Madaxwaynahu wuxuu qaabilay oo la hadlay koox saxaafada ka socotey. Madaxwaynuhu shirka jaraaid wuxuu ku bilaabay sida tatan:
 
Home  |  Madaxweynaha  |  Ra'iisul wasaaraha  |  Baarlamaanka  |  Maqalka & Fiidiyowyada  |  Wararkii ugu dambeeyay
Xidhiidhada Muhiimka ah  |  War Saxaafadeed  |  Weydii Dowadda  |  Nagala Soo Xidhiid  |  Barta ShaqaalahaAdministrator

©Copyright 2009.All Rights Reserved