1. Salaan
2. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa, Munaasabadihii 26kii June ee Gobollada woqooyi ee Soomaaliya Xorriyadda Qaateen iyo 1da July oo ah maalintii ay Gobollada koofureed Xornimada qaateen iyo weliba mallintii ay Walaaleheena Gobollada Woqooyi suuragal ka dhigeen oo horkaceen sidii aan hal dawladd u wada noqon lahayn. Maanta oo ay 49 sano ka soo wareegtay waxaan ka filaynaa intaa iyo in kabadan.
3. Waxaa kaloo shalaby ahayd maalintii ay xoriyadda qaateen, walaaleheenna Jabouti oo aan u hambalyaynay una dirnay wafdi heer sare ah oo ay hogaaminayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Aadan Mabdoobe, iyo Raisul Wasaare Ku xigeenka Professor Ibbi.
4.Jabouti meel gooniya aya kaga taalaa Ummadda Somaaliyeed oo aanaan ilaawi doonin.
5. Xaaladda dalka sida aad ka warqabtaan waa xaalad dagaal.
6. Waxaan mahad gaar ah u celinayaa dhamaan ciidamada qalabka sida ee Soomaliyeed ee cadowga u diiday in uu dumiyo dawladiisa kana qaado xoriyadiisa.
7. Waxaan kaloo mahad u celinayaa ciidamada AMISOM iyo dawladaha soo diray. Waxaanan filaynaa in dhowaan la soo dhamaystiro si ay uga qayb qaataan nabadaynta dalka.
8. Waxaa dawladda dadaal gooni ah ku bixisay daryeelka ciidamada qalabka sida haday tahay Mushahar, Raashin, Sahay, Rasaas, Gaadiid iyo weliba caafimaadka.Dhaawaca dadka uu ku soo gaaray dagaallada, Ciidan iyo Shacabba.
9. Dad farabadan oo dhaawac ah ayaa loo qaaday Kenya iyo Jaboutiba labada dawladoodna waa ku mahadsanyihiin kaalmada ay ka geysteen arrintan muhiimka ah.
10. Dawladdu intii ay jirtey wax badan ayaa u qabsoomay iyada oo ku shaqaynaysey duruuf adag:
a. Dawladdu waxay deg-deg uga hawl gashay dalka gaar ahaan Muqdisho.
b. Dawladdu waxay ansixsay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
c. Budget ku meel gaar ah ayaa Baarlamaanku ansixiyey oo la hirgeliyey mushaharna shaqaalaha iyo ciidamadaba laga siiyey dhawr bilood oo aan kala go’ lahayn.
d. Waxaan ku guda jirnaa dhisidda Maxakamadda Sare ee Dalka oo aan filayno in ay wax weyn ku kordhiso cadaaladda iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
11. Ujeedadeenu waa in aan nabadgelyo iyo xasilooni ku soo celino Soomaaliya.
12. Waxaan rabnaa in aan ku nimcaysanno xukunka sharciga Islaamka oo uu nabad ku gaaro dalkeenna iyo dadkeeuba.
13. Dadkeennu way ka daaleen dagaal iyo barakac joogto ah iyo qaxootinimo anagana waxaa naga go’an in aan ka saarno wax ay qaadataba.
14. Dagaal ma aanaan doonayan haddana ma doonayno laakiin dalka uga tegimaynno argagixiso caalami ah oo dagaal ku ah qarannimadayada oo calankeena siibaya fursad kasta oo ay helaan.
15. Calankan in la taago waxaa loo bixiyey naf iyo maal mana ogolaanayno in lagu tunto.
16. Waxaa horyaal dadka Soomaaliyeed ikhtiyaad cad:
a. Nabad, horumar, dhismo, shareeco & barwaaqo. Oo ay dawladdu waddo.
AMA
b. Dagaal, burbur & dib u dhac joogto ah. Oo ay argagixisadu waddo.
17. Waxaa dawladda ka go’an in ay dalka nabadayso oo dib u dhisto oo ka difaacda cidii taa hor istaagta.
18. Guusheennu waa hubaal Inshallah. Marlabaad waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa xornimada kuna boorinayaa in ay ilaashadaan.