1.Waxaan Tacsi u diraynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaartey
2. Waxaan aad ugu mahad celinayaa ciidamada qaybohooda kala duwan iyo shacabka soomaaliyeed ee sida geesinimo leh uga hortegey cadawga dalkooda soo weeraray. Waxaanan hubna Inshallah in ay cadowga ka guulaysan doonaan.
3. Waxaan si culus u cambaaraynaynaa argagixisada caalamiga ah weerarka ay ku soo qaadeen dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyagoo fulinaaya qorshooda gurracan iyoagoo ka been sheegaaya diinta Islaamka.
4. Mudadii ay dawladdani jirtey, waxaan dadaal, waqti, maal iyo naf ku bixisay sidii wada hadal nabad loogula raadin lahaa dadkii dawladda ka soo horjeedey.
5. Waxaa noo cadaatay in ay jiraan dad aan doonayn in wax nabadgelyo ah iyo wax dawladnimo ahi ka hirgalaan dalkeena oo qorshayaal kale iyagu u samaystay. Waxay doonayaan in uu dalkeennu noqdo meel aan sharci iyo kala dambayni ka jirin si ay ugu dhuuntaan dembiilayaal baxsad ka ah aduunka.
6. Sidaa awgeed, waxay xukuumaddu gooaansatay in ay wax ka bedesho sidii ay ula dhaqmaysay arrimahan si loo joojiyo dhibaatada aan kala go’a lahay ee ay argagixisadu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee nabad doonka ah.
7. Waxaa dadkan ka dambeeya dawlado iyo ururro argagixiso ah oo hub, iyo maalba ku taageera. Falalkani waxay khatar ku yihiin geeska Afrika iyo Caalamkaba.
8. Tarriikhdu markay ahayd 20/6/2009, xukuumaddu waxay qaadatay goaanno uu ka mid ahaa dalka in lagu soo roggo xukun deg-deg ah oo ay ujeedadiisu tahay in dalka laga badbaadiyo khatarta soo waajahday.
9. Laga bilaabo manta dalku waxuu galayaa Xukun deg-deg ah. Waxaana ka codsanaynaa Baarlamaanka sharafta leh in uu ansixiyo goaankan.
10. Waxay kaloo Xukuumaddu gooansatay in ay badbaadada shacabka Soomaaliyeed u kaalmaysato dawladaha IGAD, Ururka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Wadamadda Islaamka, Midowga Europe, Dawladda Maraykanka iyo dhamaan beesha caalamka iyo Qaramadda Midoobey.
Baaq:
1. Waxaan ka codsanaynaa beesha caalamka in ay u soo gurmato Shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato ka soo gaartey dagaalada argagixiso oo keenay dhimasho, dhaawac iyo barakaca.
2. Waxaan ka codsanaynaa beesha caalamka in ay dawladda iyo shacabka soomaaliyeed la garab istaagaan taageero dhinac walba leh si ay uga gudbaan marxalddan adag.
3. Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay dalkooda, dadkooda iyo diintooda ka difaacaan duulaanka argagixisadu ku soo qaadeen si ay u noqoto meel aan sharci ka jirin oo ay ku dhuuman karaan.