Xulo Luuqaddaada: Somali  |   English  
   Raadi:  
War Saxaafadeed  |  Nagala Soo Xidhiid  

Dowladda Federaalka Kumeel-Gaarka (DFKMG) ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Dowladda Soomaaliyeed ee waqti xaadirkaan adduunyadu aqoonsantahay.

 

Sii aqri

> Home
> Madaxweynaha
> Ra'iisul wasaaraha
> Baarlamaanka
> Maqalka & Fiidiyowyada
> Wararkii ugu dambeeyay
> Xidhiidhada Muhiimka ah
> War Saxaafadeed
> Weydii Dowladda
> Nagala Soo Xiriir


AXDIGA KU MEELGAARKA AH
DASTUURKA



Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin

War Saxaafadeed


Shir jaraa’id, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed - 18 June 2009

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id qabtay shalay oo khamiis ah taariikhduna ahayd 18 da Juunyo 2009 ka. Madaxweynuhu wuxuu ku bilaabay shirka jaraa’id asagoo oranaya:

 

Ugu horreeyn waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii uu ka tagey Cumar Xaashi, qaraabadiisii, asxaabtiisii iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed. Sidaad lasocotaan, saaka waxaa qof isa soo miidaamiyey uu dilay wasiirkeennii amniga qaranka iyo safiirkeennii hore ee Itoobiya inoo fadhiyi jirey Jaalle C/kariin Laqanyo. Arrintani waxay qayb ka tahay  qorshaha xasilooni darradaa ee Al-qaacida ay kawaddo  Soomaaliya.

 

Waxaan jeclahay sidoo kale in aan tacsi tiiranyo leh u diro askarteenna geesiyaasha ah ee ku geeriyooday hawlgalladii dhawaantaan. Askarta ku dhaawacnatayna waxaan eebbe uga baryaayaa in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

 

Waddankeenna waxaa kusoo duulay koox argagixisaa kuwaas oo aan aqoonsanayn calankeenna diintana six un u isticmaalaya. Waxaa jira xoogag shisheeye ah oo ku sugan waddankeenna, kuwaasoo sii kordhaya maalinba maalinta ka dambaysa. Masuuliyaddeena ka dowlad ahaan, waa in aan difaacnaa xaqa ay dadkayagu u leeyihiin in ay nabad ku noolaadaan. Waxaan garoowsannahay taageerada shacabkayaga, waxaana ka codsanaynaa in ay taageeradaan kordhiyaan oo ay sii wadaan si aan waddankeenna u bed baadino.

 

Dadkani, umahayaan Soomaalida wax qorshe ah oo aan ka ahayn in ay kusii hayaan xasilooni darro iyo fawdo. Haddii aan ognahay in ay u hayaan ummadda ajande fiican, waxaan qaadan lahayn go’aan kale. Qorsheheennu waa in aan ka difaacnaa dadka gardarrada noocaan oo kale ah iyo dilalka ay wadaan kooxaha argagixisada ah.

 

Ciidankeennu wuxuu qabtay shaqo wanaagsan waloo ay jiraan qaladaad ay dadka shacabka ah kula keceen qibraddooda oo yar awgeed. Dowladdu waxay intii karaankeed ah isku dayday in ay ciidamada u hesho hab maamuus wanaagsan, sidaas awgeedna, waxaan magacawnay guddiga maxkamadda sare ee milateriga. Guddigu wuxuu ka koobanyahay:

 

  1. Wasiirka Cadaaladda oo ah                              Guddoonka.
  2. Wasiirka Difaaca                                              Xubin
  3. Wasiirka Aminiga Qaranka                               Xubin
  4. Wasiirka Arrimaha Gudaha                               Xubin
  5. Taliyaha Ciidamada Qalabka sida                     Xubin
  6. Taliyaha Ciidanka Booliska                               Xubin
  7. Taliyaha Sirdoonka Qaranka     Xubin

 

Ujeedada maxkamaddan sare waa in ay wax ka qabato khaladaadyada dhacaya iyadoo adeegsanaysa sharciga milateriga si waafaqsan shareecada Islaamka.

 

Maahan wax diinteena waafaqsan in qof aan waxba galabsan la dilo. Dhalinyarada ismiidaaminta samaynaya sida tan ka dhacday maanta Beledweyne, waa kuwo diinta si khaldan u fahansan. Dowladdeenu waxay meel marisay ku dhaqanka shareecada islaamka, waxa mucaaradku samaynayaanna waa wax diinta lid ku ah.

 

 Al-Qaacida waxay bur burisey Afqaanistaan istiraa-tiijiyaddooduna waxay tahay in ay Soomaaliya bur buriyaan si ay u helaan meel ay ka weeraraan waddamada deriska ah. Waxaan ku boorrineynaa dadkayagu in ay ka qayb qaataan joojinta gardarrada noocan ah. Waddankayaga waxaa soo weeraray dad doonaya in ay argagax ku beeraan dadkayaga.

 

Dowladdu waxay sii wadi doontaa dib u heshiisiintii gacmahayaguna cidkasta way u furanyihiin. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhalinteena in ay la shaqeeyaan dowladda si aan u difaacno qarankeena iyo diinteena. Waxaan ka codsanaynaa dadka Soomaaliyeed in ay naga caawiyaan soo dumitaanka dhallinteena. Ma qabto diinteenu in qof la bireeyo kaddibna intarneedka lasoo geliyo. Waa diintee diinta oggol sidaas?

 

Waxaan doonayaa in aan u sheego dhammaan muslimiinta in Soomaaliya ay gacanta u gashay kooco diintayada waxyeellaynaya; ma ogolaandoonno in aan diintayada ka weecanno.
 

Beesha caalamka waxaa saran xil, kaasoo ah in ay kaalmo aademinimo lasoo gaaraan dadka ku barakacay duullaankaan. Sidoo kale waxaa beesha caalamka saran xil ah in ay dowladda ka caawiyaan dhammaan waxa ay u baahantahay si ay dalka xasilooni iyo nabadgelyo ugu soo dabbaasho. Beesha caalamku waa in ay garab istaagto dadka Soomaaliyeed.

 


Other Press Releases

1.War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka dawladda federalka KMG ee Soomaaliya

Mogadishu: Ra’isul...

More


2.Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Maraykanka

Muqidsho:  Warfaa...

More


3.Kulanka Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada

Kulan aad u xasaasi ah oo ay yeesheen golaha wasiirada iyo Madaxweynaha soomaaliya ayaa maanta oo talaada ah ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka ayaa ku ...

More


4.

Not  Available in Somali

...

More


5....

More


6.WARSAXAAFADEED KASOO BAXAY XAFIISKA RAYSULWASAARAHA

 

WAR SAXAAFADEED
 
More
7.Ciidameynta Malleeshiyaatka

Muqdiso, 05 August 2009, More


8.Shir jaraa’id, August 6, 2009

Remarks with Somali Transitional Federal Government
President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed

Hillary Rodham Clinton
Secretary of State
Nairobi, ...

More


9.Shir jaraa’id - 4th August 2009

1.Waxaan ku bogaadinayaa geesinamadii ay naftooda qaaliga ah ugu hureen difaaca Dalka iyo Diinta, waxaana tacsi u dirayaa dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen Geesiyaashii Naftooda Qaaliga ah Ku Waayay Difaaca Dalka ( Naxariistii Jano Allaha Ka Waraabiyo)

2.Sidoo Kale Waxaan Bogaadinayaa ...

More


10.Shir jaraa’id, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed - 27th July 2009

Maanta Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka qayb galay kulankii baarlamaanka ee manta. Madaxweynuhu qodbad ayuu ka hor akhriyey baarlamaanka maantay.

Waxyaabihii uu qodbadiisa ka hadlay waa sidatan:

1. Tacsi uu u diray mudanayaashii baarlamaanka ee geeriyooday dhowr...

More


11.Shir jaraa’id, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed - 12th July 2009

 Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu maantay oo Axad ah taariikhduna tahay 12 ka  uu qabtay shir jaraa’id.

Madaxweynuhu wuxuu shirkiisa jaraa’id ku bilaabay sidatan:
 

1. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa geesiyada ciidankeenn...

More


12.Shir jaraa’id - 28th June 2009

1. Salaan
2. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa, Munaasabadihii 26kii June ee Gobollada woqooyi ee Soomaaliya Xorriyadda Qaateen iyo 1da July oo ah maalintii ay Gobollada koofureed Xornimada qaateen iyo weliba mallintii ay Walaaleheena Gobollada Woqooyi suuragal ka dhigeen oo h...

More


13.Shir jaraa’id - 22nd June 2009

1.Waxaan Tacsi u diraynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaartey
2. Waxaan aad ugu mahad celinayaa ciidamada qaybohooda kala duwan iyo shacabka soomaaliyeed ee sida geesinimo leh uga hortegey cadawga dalkooda soo weeraray. Waxaanan hubna Inshallah in ay ...

More


14.Shir jaraa’id, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed - 25th May 2009

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa qabtay Shir jaraaid horraantii mantay oo isniin ah, 25ka May 2009. Madaxwaynahu wuxuu qaabilay oo la hadlay koox saxaafada ka socotey. Madaxwaynuhu shirka jaraaid wuxuu ku bilaabay sida tatan:
 
S...

More


Sunday 01 August 2010 10:49 AM
  Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalk...
Sii aqri
Sunday 01 August 2010 10:33 AM
  Shirkii Isbahaysiga Sanca oo m...
Sii aqri
Sunday 01 August 2010 10:25 AM
  Wasiirka warfaafinta Soomaaliy...
Sii aqri




Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Wasaaradda Horumarinta Haweenka & Daryeelka Qoyska
Wasaaradda Hurumarinta Reer miyiga
Wasaaradda Warfaafinta
Wasaaradda Caafimaadka
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
Wasaarado Badan
Home  |  Madaxweynaha  |  Ra'iisul wasaaraha  |  Baarlamaanka  |  Maqalka & Fiidiyowyada  |  Wararkii ugu dambeeyay
Xidhiidhada Muhiimka ah  |  War Saxaafadeed  |  Weydii Dowadda  |  Nagala Soo Xidhiid  |  Barta ShaqaalahaAdministrator

©Copyright 2009.All Rights Reserved