Muqdisho, (TFG): Kulanka Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, oo looga dooday arrimo faro badan, ayaa lagu qabtay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.
Kulankaasi, oo uu shir-guddoominayay, Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cumar Dalxa, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyeyaasha iyo Xubno matalaya Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka.
Kulankan oo todobaadkiiba mar la qabto, ayaa looga dooday labo qodob oo kala ah: warbixin kala qaadasho iyo wada tashiyo ku aadan habsami u socodka howlaha Baarlamaanka, waxaana intii uu socday kulankaas warbixin looga dhageystay Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan dastuurka iyo arrimaha federaalka oo kasoo laabtay Siminaar loogu qabtay magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Djabuuti, iyadoo uu Guddoomiye ku xigeenka ahna sii haya xilka Guddoomiyaha Guddigaasi mudane C/qaadir Sh. Ismaaciil, uu warbixin ka siiyay Guddiyada, qaabkii uu kusoo dhamaaday Siminaarkii ay Hay’adda AWEPA ku siisay dalka Djabuuti.
Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka, oo markii uu dhamaaday kulankaasi, la hadlay saxaafadda, ayaa ka warbixiyay qodobbadii kasoo baxay kulankooda.
Prof. Dalxa, ayaa sheegay in qodobbadii kulanka Guddiyada Joogtada kasoo baxay ay ka mid ahaa:
- In Baarlamaanka uu ka arinsado qaabka ugu habboon ee shirkiisa iyo kalfadhigiisa caadiga ah uu u dardar gelin lahaa, islamarkaana loogu yeeri lahaa Mudanayaasha ku maqan dalka dibaddiisa.
- In Heshiisyada ay xukuumadda soo gashay sida kan ay la gashay (Ahlu-Sunna) iyo Hay’adaha daabacaadda lacagaha la horkeeno Baarlamaanka.
- In Xildhibaannada sabab la’aanta ku maqan Tallaabo ku aadan Xil gudasho la’aantooda si Sharciga waafaqsan uu Baarlamaanku ka qaado.
- In la dadajiyo dhammeystirka dayactirka xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed iyo Qodobo kale.
Prof. Maxamed Cumar Dalxa, ayaa ugu danbeyn baaq nabadeed u diray Beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya Goballada Dhexe, wuxuuna ka codsaday in la joojiyo dagaallada ka jira Deegaannadaasi iyo guud ahaan kuwa ka jira dalka, isagoo sidoo kale ku baaqay in la sii daayo Lamaanayaasha u dhashay dalka Ingiriiska, ee ay burcad baddeedu haystaan oo uu sheegay in ay sharaf dhac ku tahay umada Soomaaliyeed.
Wasaarada Warfaafinta, Muqdisho