Guddiga garsoorka dalka oo sheegay in ay wax badan ka qabteen garsoorka dalka.
Muqdisho, (TFG): Maxkamadda sare ee dalka, ayaa shaaca ka qaaday in ay waddo howlo lagula soconayo garsoorka dalka, si loo xaqiijiyo fulinta hanaanka iyo shaqada garsoorka iyo cadaaladda.
Ku simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Maxamed Maxamuud Maxamed, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in Guddiga garsoorku uu wado qorshayaal dhaxal gal ah oo lagu hagaajinayo garsoorka iyo meel marinta Cadaaladda uu xaqa u leedahay qof kasta oo danbi gala ama lagu tuhmo.
Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa sidoo kale sheegay, in Guddiga garsoorku uu todobaadkiiba sedex maalmood uu booqasho ku tago xabsiyada, si loola socdo hadii ay ku jiraan Maxaabiista ku jirta xabsiyada, kuwo waqti dheer xukun la’aan ku qaatay mudo gudaha xabsiga, wuxuuna kormeerka Guddiga Maxkamadda sare ka socda ay ku tagaan xabsiyada uu ku tilmaamay mid fursad u siinaya Maxaabiis badan in ay si dhaqsi ah ku helaan caddaalada, wuxuuna sheegay in sharciga Islaamku uusan qabin in qofka uu mudo iska xirnaado isagoon cadaalad helin, ayna ka Guddi ahaan arrintaas ka hortagayaan iyagoo gacan ka helaya dhamaan qeybaha kala duwan ee garsoorka.
Ku simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa dhanka kale sheegay in arrintani ay u gogol xaari karto hanaan garsoor oo caddaalad ku saleysan, oo si guud uga hirgala dalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in hadda arrintaasi ay bilow wanaagsan marayso.
Maxamed Maxamuud, oo ka hadlaayay dhanka xabsiyada ayaa sheegay in xabsiyada ku yaala magaalada Muqdisho, Maxaabiista ku xiran ay hadda ka helaan garsoor wanaagsan, Maxkamadda sarana ay arrintaasi sii xoojin doonto.