Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka warbixiyay howlgalo ay ciidamadu ka sameeyeen degmooyinka magaalada Muqdisho qaarkood.
Muqdisho, (TFG): Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa sheegay in howlgalo ay sameeyeen ciidamada amaanku ay ku soo qab qabteen dad badan oo loo haysto in ay amaanka liddi ku ahaayeen.
Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaliyeed, G/sare. C/laahi Xasan Bariise, oo shir-jaraa’id saxaafadda ugu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in howlgaladii maalmahaan ay ciidamadu ka sameeynayeen qaybo ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir, gaar ahaa degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab, ay ku soo qabqabteen dad looga shakiyay in ay wadeeen falal ammaanka wax loogu dhimayo, kuwaasoo baaritaano lagu wado haddii uu dambigu ku caddaadana caddaaladda la horgeyn doono.
Afhayeenka, ayaa sidoo kale sheegay in howlgaladan ay kaalin muhiim ah ka qaateen sugidda ammaanka degmooyinkaas, oo ay dhibaato soo laalaabtay ka sameeynayeen kooxaha shacabka waxyeeleeya ee dhibaatada ka wada dalka, wuxuuna qiray in ay arrintaasi yaraatay markii ciidamada ammaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ay u howlagaleen la dagaalanka kooxahaasi qaska wada.
G/sare. C/laahi Xasan Bariise, ayaa sidoo kale ku celiyay in ay sii soconayaan howl galadaan lagu xaqiijinayo ammaanka degmooyinka gacanta dowladda ku jira, si meesha looga saaro dhibaatooyinkii ka dhici jirey loona adkeeyo amnigooda si aanay markale ugu soo dhiiran kooxahaasi si ay falalka uga geystaan.