Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga oo sheegay in ay dowladda Soomaaliya gacan ka siinayaan sidii ay ula dagaalami laheyd burcad baddeeda iyo cidkasta oo diidan Qaranimadeeda.
Ankara, (TFG): Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga, Maxamed Cali Shaahiini, ayaa sheegay in ay waajib tahay in dowladda Soomaaliya ay si dhab ah ula dagaallanto falalka burcad badeednimada ee xeebaha gacanta cadmeed.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga, Maxamed Cali Shaahiin, oo u waramaayay wakaaladda wararka u faafisa dalka Turkiga ee Anadol, ayaa u sheegay kadib markii uu soo gabagaboobay kulan uu la qaatay dhiggiisa dalka Soomaaliya, Sh. Aadan Maxamed Nuur, in aan dowladda Soomaaliya, lagu eedeyn karin ama lala xiriir ku lug lahaanshaha burcad badeednimada.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkigu, ayaa intaa ku darey in dowladda Turkigu, ay aad uga walaacsan tahay in falalka burcad badeednimadu ku faafaan dalal kale oo ku yaalla geeska Afrika, haddii aan si adag wax looga qaban arrinta burcad badeednimada oo ku sii baaheysa xeebaha geeska Afrika.
Guddoomiyuhu, wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Turkigu, ay sii wadi doonto gacan siinta Soomaaliya si ay uga guuleysato burcad baddeeda iyo kooxaha dhibaatada dalka ka wada, isagoo muujiyay sida dowladdiisu ay mudnaanta u siineyso madaxbannaanida dalka Soomaaliya, Midnimadiisa iyo badqabka dhulkiisa.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga, Maxamed Cali Shaahiin, ayaa dhanka kale sheegay in ay lagama maarmaan tahay in muranka ka jira gudaha Soomaaliya, ay tahay in si dhaqso ah loo dhammeeyo, ayna ka caawin doonaan qaabkii loo soo celin lahaa degganaanshihii dalka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sh. Aadan Maxamed Nuur, ayaa isna sheegay in dhibaatada ka jirta Soomaaliya, ay u sabab yihiin kooxo huwan magac diineed oo doonaya in xaaladda dalku sii xumaato, kuwaasoo ka soo duulay dalal kala duwan, wuxuuna cadeeyay hadii ay dowladda Soomaaliya hesho taageero caalami ah ay kooxahaas awoodooda wiiqi doonto ha ahaadeen burcad baddeed iyo kooxaha argagixisadaba oo uu sheegay in ay isku mid yihiin balse ay magacyada kala badalanayaan si aan loo ogaan.