Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo soo dhaweeyay heshiiskii Dowladda KMG ah iyo Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca ee magaaladda Addiiss-ababa.
Muqdisho, (TFG): Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii Dowladda iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna, ay dhawaan ku kala saxiixdeen magaalada Adiss ababa ee caasimada dalka Ethiopia.
Xildhibaan, Maxamed Sh.Yuusuf Direed iyo Xildhibaan, Maxamuud C/laahi Wehliye (Waqaa), oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii dhexmaray Dowlada KMG ah iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca, iyagoo ku tilmaamay in uu yahay guul u soo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida labada dhinacba ay diyaarka ugu yihiin in ay ka wada shaqeeyaan maslaxada diinta, dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Xildhibaan, Maxamed Sh. Yuusuf Direed, ayaa heshiiska ku tilmaamay mid horseedi kara nabad ka dhalata Soomaaliya iyo in meesha laga saaro kooxaha dhibaatada ka wada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in talaabadani ay muujinayso in kooxaha dhibaatada dalka ka wada ay meesha ka bixi doonaan, maadaama loo midoobay in meesha laga saaro dhibaatooyinka ay dalka ka wadaan, umaduna fahamtay waxa ay wadaan in aysan diin aheyn.
Xildhibaan, Maxamuud C/laahi Wehliye, ayaa isna heshiiska ku tilmaamay in uu muujinaayo horumarka laga gaarey ku hoos noolaashaha gumeysiga qawaariijta iyo dhibaatada ay dalka ka wadaan, wuxuuna sheegay in wixii hada ka danbeeya loo istaagi doono sidii loo badbaadin lahaa Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay tahay fursad qaali ah oo u baahan in laga miradhaliyo.
Tan iyo markii ay magaalada Adiss-ababa ee xarunta dalka Ethiopia, heshiiska ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca, ayaa waxaa isa soo taraayay tageerada ka imaanaysa Mas’uuliyiinta dowladda, beesha Caalamka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.