Safiirka Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub ahna Danjiraha dalalka Talyaaniga iyo Beljuimka oo ka deyriyay xaaladda ay ku sugan yihiin dhismooyinkii safaaradihii Soomaaliya.
Brusells, (TFG): Safiirka Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub, ahna Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalalka Talyaaniga iyo Beljuimka, ayaa sheegay in xaalad xun oo burbur ah ay ku sugan yihiin dhismooyinkii ay dowladda Soomaaliya ku laheyd talalka Talyaaniga iyo Beljuimka.
Safiirka Soomaaliya ee xarunta Midowga Yurub ahna danjiraha u fadhiya dalalka Talyaaniga iyo Beljuimka, Nuur Xasan Xuseen, ayaa sheegay in dhismooyinkii ay ku shaqeyn jirtay safaaraddihii Soomaaliya ee dalalka Talyaaniga iyo Beljuimka, ay burbureen ayna u baahan yihiin dayactir aad u weyn.
Safiirka, ayaa sidoo kale sheegay in uu dadaal ugu jiro sidii ay dayactir ugu sameyn lahaayeen dhismooyinkaas oo uu sheegay in ay mudadii uu dalku burburka ku jiray dalka, maadaama aysan helin wax dayactir ah mudadii 20-ka sano aheyd ee dalku dhibaatada ku jiray.
Nuur Xasan Xuseen, ayaa dhanka kale sheegay in ay dhismooyinkaas hada deegaan ka dhigteen dad Soomaali ah oo si kumeel gaar ah u dagay, wuxuuna sheegay in ay hada ku shaqeeyaan xaruntii safaaradda magaalada Rome, balse ay inta kale qaarkoodna burbursan yihiin oo ay u baahan yihiin dayactir aad u weyn, inkastoo hoy ka dhigteen dad Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah dalalkaas.