Afhayeenka Wasaarada warfaafinta oo canbaareeyay falkii ay kooxda Shabaab ku xirtey Idaacada Markableey.
Muqdisho, (TFG): Wasaarada warfaafinta xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa cambaareysay talaabadii dhawaan ay maleeshiyada kooxda Shabaab ku xireen Idaacad ka mid ah Idaacadaha madaxa banana ee ka howlgala gobalka Gedo.
Afhayeenka Wasaarada warfaafinta xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Sh. C/risaaq Maxamed Qeyloow, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa canbaareyn u soo jeediyay falkii lagu xirey Idaacada Markableey ee ka howlgasha degmada Baardheere ee gobalka Gedo, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay mid laga xumaado.
Afhayeenka, oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in arrintaasi looga gol leeyahay in lagu cuuryaamiyo horumarka shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen warbaahinta, wuxuuna sheegay in ay tahay arrin sidoo kale lagu caburinaayo xoriyatul qowlka, ayna u fududeynayso kooxaha dhibaatada dalka ka wada in ay sii badiyaan tacadiyada ay shacabka kula kacayaan, maadaama aysan jirin cid soo tabinaysa tacadiyadaas oo ay xireen ishii wararka gobalkaas laga heli lahaa.
Sh. C/risaaq Qeyloow, ayaa sidoo kale sheegay in kooxahaasi ay doonayaan in shacabka dhibaatooyin kale ay u geystaan si ay ugu suurto gashana ay marka hore doonayaan in ay damiyaan saxaafadda, si aan loola socon waxa ay sameynayaan, wuxuuna sheegay in ay horey u xirxireen Wariyayaal, ayna sidoo kale Idaacado madax banaan oo ka howlgali jirey magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo, ay horey albaabada isugu dhufteen, wuxuuna sheegay in sidoo kale ay hanjabaado u geysteen Idaacadaha madaxa banaan ee ka shaqeeya gudaha magaalada Muqdisho, kuna amray in ay ka shaqeeyaan waxa siyaasadahooda kor u qaadi kara hadii ay wax kale ka shaqeeyaana talaabo laga qaadi doono.