Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdigiisa oo gaarey magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Istanbul, (TFG): Wafdi uu hogaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka, oo isugu jira Xildhibaano, Agaasamiyaal iyo Shaqaale ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa gaarey magaalada Istanbul ee caasimada labaad ee dalka Turkiga.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur, ayaa booqashada uu ku tagey dalka Turkiga, waxaa ay ka dambeysay kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Turkiga, mudane Mehmet Ali Sahin.
Guddoomiyaha Baarlamaanka, markii uu gaaray magaalada Istanbul, waxaa gegida diyaaradaha ee dalkaasi ku soo dhaweeyay ku xigeenka Duqa magaaladaasi, iyadoo daqiiqado kadibna Guddoomiyaha iyo wafdigiisa, ay u gudbeen magaalada caasimada ah ee Ankara, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen xubno loo xilsaaray soo dhaweynta Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Xubnaha, loo xilsaaray soo dhaweynta Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa waxay ka kala socdeen Xafiiska Guddoomiyaha Barlamaanka dalka Turkiga, Mehemet Ali Sahin, Masuuliyiin ka socotay Xafiiska Ra’isal wasaaraha, Wasaaradaha arimaha dibada, Gudaha iyo Agaasimayaal, kuwaasoo Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ugu soo dhaweeyay si diiran magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga.
Mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur, ayaa mudo kooban kala sheekaystay xubnihii u xilsaarnaa soo dhaweyntooda xaaladdaha dalka iyo meesha ay marayaan, waxayna intaa kadib Guddoomiyaha iyo wafdigiisa, u sii gudbeen Hotel-ka Hilton, kaasoo loo diyaariyay guddoomiyaha iyo wafdigiisu in ay degaan mudada ay booqashada ku joogaan dalkaasi.
Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur, ayaa halkaasi waxaa sidoo kale ku soo dhaweeyay, Safiirka dowladda KMG ah ee Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Ambassador, Hilaal Maxamed Aadan iyo Xildhibaanad Shukri Yuusuf Caateeye oo halkaas safar shaqo u joogtay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka. ayaa waxaa xubnaha wafdigiisa ka mid ahaa Xildhibaan Khadar Biixi Caalin, Xildhibaan Axmed Xaashi Maxamuud iyo xubno kale, oo uu ka mid yahay Agaasime ku xigeenka Guud ee Baarlamaanka Maxamed Xuseen Nuur (Xagaafe).