Prof. Dalxa oo ka digay in dadka la Barakiciyo iyadoon meel wax loogu ogeyn.
Muqdisho, (TFG): Guddoonka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa ku baaqay in laga hortago xaaladda kasta oo sabab u noqon karta in dadku ay ka barakacaan Deegaanadooda.
Ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay in Ummada Soomaaliyeed, laga barakiciyo deegaanadoodii, islamarkaana ku dhibaateysan deegaano kale oo aaneey ka heli karin hooy iyo hu’ iyo adeeygyada daruuriga u ah nolosha Bini’aadamka.
Prof. Dhalxa, ayaa ku baaqay in marka hore laga hortago wax kasta oo abuuri kara in dadku ay ka barakacaan deegaanadooda, wuxuuna intaa ku daray in marka la eego dhibaatooyinka la soo darsay dadkaasi ay tahay in ay haboon tahay inaan la barakicin dadka si loo baajiyo daruufaha haatan heysta dadka barakacayaasha ah ee laga soo deyrinayo xaaladahooda Nololeed.
Guddoomiye ku xigeenka, ayaa ugu danbeyn ka digay in aan dadka la barakicin iyadoon meel wax loogfu ogeyn, wuxuuna sheegay in aan xiligan loo baahnayn in dadka lagula taliyo in ay barakacaan taasina ma ahan arrin dan u ah dadkaas.