Heshiiskan, oo ay dhanka dowladda Soomaaliya uga qeybqaadanayaan wafdi uu hogaaminayo Ra'isal wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaana Caalamka wafuud ka kala socota Ururka Midowga Afrika, Ururka Jaamacada Carabta, Qaramada Mioobay iyo Ururka Islaamka iyo Ururo iyo Diblomaasiyiinkale.
Ras’iil wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka maaliyadda xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in heshiiska dowladda Soomaaliya kula saxiixatay Culumaa’udiinka Ahlu Sunna, magaalada Addiss-ababa, uu wax weyn ka badeli doono xaaladda cakiran ee ka taagan dalka Soomaaliya iyo in umadda Soomaaliyeed ay isku aragti ka noqoto la dagaallanka kooxaha dowladaa ka soo horjeeda ee dhibaatada ka wada gudaha dalka Soomaaliya.
Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, ayaa intaa ku darey in heshiiska lagu fulin doono mudo 30 maalmood gudahood ah, wuxuuna rajo ka muujiyay in goor dhow shacabka Soomaaliyeed in ay arki doonaan natiijada iyo faa’iidada uu xanbaarsan yahay Heshiiska.
Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka maaliyadda xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan, ayaa muhiimadda heshiiskan ku tilmaamay mid fududeynaysa in si guud loo midoobo, loolana dagaalamo kooxaha dowladda ka soo horjeeda ee Shabaab iyo Xisbul Islaam, kuwaasoo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed ee nabadda iyo kala danbaynta u bisil, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay gacan ka geystaan dadaaladan dalka nabadda loogu soo dabaalayo.