Prof. Dhalxa oo sheegay in ay Qaramada Midoobay kala hadleen heshiiskii dhinaca bada.
Muqdisho, (TFG): Ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa, ayaa sheegay in ay wada hadalo looga hadlayo arrinta heshiiskii dhexmarey Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya iyo dowladda Kenya, ay la qaateen Madax ka socotay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay.
Ku Simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, oo u waramaayay TFG Website, ayaa ka hadlay heshiiskii dhexmarey Xukuumadda KMG ah iyo dowladda Kenya, ee dhinaca badda, wuxuuna sheegay in ay isku afgarteen in wax gorgortan ah aan laga geli karin biyaha Soomaaliya, ay tahay arrin aan xiligan ku haboonayn in laga wada hadlo.
Prof. Maxamed Cumar Dalxa, ayaa intaa ku darey in Golaha Baarlamaanka iyo Madaxweynuhuba ay ka soo horjeesteen heshiiska, isagoo sheegay in uu yahay mid waxba kama jiraan ah xiligan, maadaama Baarlamaanku uusan ansixin Madaxweynuhuna uu ka soo horjeestay, islamarkaasna shacabka Soomaaliyeed ay xasaasiyad ka qaadeen, ayna shaki badan ka qaadeen, maadaama uu madmadow ku jiro heshiiskaas marna is afgarad lagu sheegayo marna is fahan.
Guddoomiye ku xigeenka, ayaa dhanka kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed garwaaqsadeen markii uu Baarlamaanku heshiiskaas laaley, uuna cod badan ku diiday, wuxuuna sheegay in dad badan oo Soomaaliyeed ay ogaadeen in ay jiraan Masuuliyiin shacabka Soomaaliyeed ka danqanaay, islamarkaana difaaci kara danaha shacabka.
Prof. dhalxa, ayaa u mahadceliyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay in talaabadan ay noqonaysa talaabo dhiiri gelin u noqonaysa Baarlamaanka Soomaaliyeed, shacabka Soomaaliyeedna geesinimo gelisa, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed u sheegay in dowlad hadaysan jiri laheyn in la xaraashi lahaa dhulka baddaha iyo waxkastoo oo ay dowladda iyo dadku leeyihiin, ayna nasiib wanaag tahay in ay dowlad helaan.
Arrintan ayaa soo baxday kadib markii ay wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda kmg ah ee soomaaliya ay heshiis dhinaca badda ah la gashay dowladda Kenya, kaasoo uu baarlamaanku u codeeyay islamarkaana uu diiday in heshiskaas uu noqdo mid dhaqan gal ah.