Muqdisho, (TFG): Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa dhawaan ka soo degay garoonka diraayaradaha caalamiga ah ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha, ayaa waxaa xubnaha wafdigiisa ka mid ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole oo ka soo raacey Madaxweynaha magaalada Nairobi iyo qaar kala soo qeybgaley shirarkii iyo kulamadii la qaatey madax ka tirsan masuuliyiinta dalka Ingiriiska.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxaa gegida dayuuradaha ee magaalada muqdisho ku soo dhaweeyay, ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku xigeen Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo ku simaha Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ahna Ra’isal wasaare ku xigeen ahana Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibraahin (Ibbi), Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha, ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib safaro uu ku tegay wadamada Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna kulamo kula soo yeeshay dalka Britain Masuuliyiinta ugu sareysa dalkaas, iyo jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool magaalooyinka London iyo Berminghan ee dalka Ingiriiska, waxayna ahayd booqasho taariikhi ah iyo guul u soo hoyatay Shacabka Soomaliyeed ee ku nool Gudaha dalka iyo dibadiisa.
Madaxweynuhu, wuxu sidoo kale soo maray dalka Imaaraadka Carabta, halkaa oo uu uga soo qayb galay Shir ay isugu yimaadeen Culimada caalamka Islaamka oo looga hadlaayey arrimaha Soomalaiya.