Wasiirka lacagta oo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha ay Qaramada Midoobay u soo jeedisay qaar ka mid Masuuliyiinta dowladda.
Muqdisho, (TFG): Wasiirka lacagta xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisoow), ayaa ku tilmaamay warbixintii ay soo saartey Qaramada Midoobay, taasoo lagu sheegay in Masuuliyiinta dowladda qaar kood ay qaab kale u adeegsadaan Visa-yaasha loogu deeqay si ay ugu safraan iyaga iyo wafdiyadooda.
Wasiirka lacagta xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan, oo u waramaayay warbaahinta gudaha, ayaa ku tilmaamay wararka sheegaya in Masuuliyiinta dowladda qaarkood ay Visa-yaasha loogu talagalay in ay ku safraan iyaga iyo Xubnaha wafdiyadooda ay u leexiyaan meelo kale ama shaqsiyaad kale, wuxuuna ku tilmaamay been la soo dhoodhoobay.
Wasiirka, ayaa intaa ku darey in dowladdu baaritaano ku aadan warbixinta ka soo baxday Qaramada Midoobay, taasoo lagu sheegay in xubno dowladda ka tirsan ay si qalad ah u maamuleen dal ku galyo la sii yay ama loogu talagaley in ay isticmaalaan shaqaalaha hay’addaha kala duwan ee dowladda, wuxuuna sheegay in hay’adda qaramada midoobay ay keenaan cadeymo ku saabsan arrimahaas.
Wasiirka lacagta, Eng. c/raxmaan cumar cismaan, ayaa dhanka kale wax lala yaabo ku tilmaamay in masuul dowlad la iska eedeeyo iyadoon cadeymo loo haynin, ama lagu tilmaamo qof wax xun sameeyay, isagoo sheegay in ay ka codsanayaan qaramada midoobay in ay arrintaas raali gelin ka bixiso ama cadeymo muuqda ka keenaan.