Sh. Nuur Baaruud Gurxan oo sheegay in shirku isku raacey in wax ka socda Soomaaliya aysan jihad aheyn.
Dubai, (TFG): Shirkii ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya, ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Dubai ee caasimada dalka Imaaraadka Carabta.
Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirkaas, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in shirka la soo af jaray, ayna ka soo baxeen qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
1- In aysan jihaad ahayn dagaallada ka socda Soomaaliya.
2- In aan dadka dagaalladaasi wada lagu tilmaami Karin Mujaahidiin.
3-In dowladda Soomaaliya, ay tahay dowlad Islaami ah, islamarkaana ay xaaraam tahay in lala dagaallamo.
4-In kooxaha dagaalka kula jira dowladda, ay ka hor taagan yihiin dowladda Islaamiga ah dhaqan galinta Shareecada Islaamka ee ay qaadatay.
Sh. Nuur Baaruud Gurxan, ayaa sidoo kale sheegay in bayaanka ugu dambeeya ee shirka ka soo baxa loo gudbin doono warbaahinta.
Shirkaas, ayaa waxaa ka qeyb qaatay Culimaa’udiin fara badan oo ka kala socda Caalamka Islaamka, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Guddoomiye ku xigeenka Midowga Culimada Muslimiinta Sh. Cabdalla Bin Bayya, Muftiga dalka Imaaraat-ka, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha shuurada dalka Sacuudiga, Dr. Cabdalla Nasiif, Sh. Xabiib Aljafri oo ka mid ah Culimada waaweyn ee caalamka Islaamka iyo Culimo kale oo fara badan.
Sh. Xabiib Aljafri, oo madax ka ah xarunta diraasaadka Daaba oo ku yaala magaalada Dubai ee xarunta dalka Imaaraadka Carabta, ayaa shirka Dubai ku tilmaamay mid aad muhiim u ah, wuxuuna intaa raaciyay in Guddoomiye ku xigeenka Midowga Culimada Muslimiinta Sh. Cabdalla Bin Bayya uu sabab u ahaa qabsoomidda shirkan, kadib markii uu dhinacyada isku haya Soomaaliya oo dhan uu u diray dhambaal furan oo uu ugu sheegayo in ay waajib tahay in la joojiyo dhiigga daadanaya.
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo kooxda isku magacowday Xisbul Islaam, ayaa ka soo jawaabay baaqa Sheikh Cabdalla Bin Bayya, waxaana ku gacan sayray kooxda Alshabaab oo la amaansan yahay in ay xiriir dhow la leedahay Ururka Al-qaacida.
Sh. Xabiib Aljafri, ayaa shirka ka sheegay in Soomaali oo dhan ay ku kulansan yihiin magaalada Dubai, marka laga reebo Alqaacida, intii aysan u suurto galin in ay shirka soo xaadiraan sababo farsamo dartood, wuxuuna sheegay in ay soo direen fariimo ay ku taageerayaan mabaadi’da shirka lagu soo bandhigayo.
Sh. Xabiib, ayaa intaa raaciyay in Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Ururka la magac baxay Xisbul Islaam iyo Culimaa’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca, ay dhammaantood soo direen farriimo ay ku taageerayaan Shirka, lbalse kooxda Alqaacidda oo uu ula jeedo Alshabaab, ay ku gacan seyrtay.