Shirkii Mu’tamarka Islaamka oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Dubai, (TFG): Shir Islaami ah oo looga hadlayo xal u helidda dalka Soomaaliya, oo ka furmay magaalada Dubai ee caasimada dalka Imaaraadka Carabka, ayaa dhinacyadii Soomaalida ahaa ee ka qeyb galay shirkaas ay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin dhaqan galinta wixii shirkaas ka soo baxa marka laga reebo kooxda Alshabaab ee ka tirsan Ururka Alqaacidda.
Shirkan, ayaa waxaa dhamaan Madaxdii iyo Culumaa’udiinkii ka soo qeybgaley isku raaceen in waxa ka jira Soomaaliya aysan Jihad ahayn, waxayna ugu baaqeen in kooxaha dagaalada wada ay Alle ka cabsadaan dadkana dilka ka daayaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed, ayaa shirka ka sheegay in ay ka go’an tahay in dalka lagu maamulo shareecada Islaamka, uuna diyaar u yahay in uu miiska wada hadalka la fariisto kooxaha dowladda ka soo horjeeda.
Madaxweyne Sh. Shariif, ayaa sido kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay qanaanka dalka ka dhigtay shareecada Islaamka oo ay ogolaadeen Golayaasha Xukuumadda iyo Baarlamaanka , Madaxweynuhuna saxiixay.
C/kariim Jaamac, oo ka mid ah la Taliyayaasha Madaxweynaha, oo u waramaayay wargeyska Alsharqul Awsat ee ka soo baxa magaalada London in kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in kooxaha dowladda ka soo horjeeda aysan laheyn barnaamij cad oo ku saabsan xal u helida dalka.
La taliyaha, ayaa intaa ku darey in kooxahani ay shuruudoodu aheyd in dalka laga saaro ciidammadii Ethiopia, ciidammadii Ethiopia way bexeen, kadib waxay dalbadeen in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka, arrintaasna waxaa ogolaaday Golaha wasiirrada, waxaana ansixiyay Golaha Baarlamaanka, waxaana qalinka ku duugay Madaxweynaha dalka, wuxuuna sheegay in marka ay Ciidamadii Ethiopia bexeen shareecada Islaamkana la qaatay.
C/kariin Jaamac, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sababta ay kooxahani u soo fariisan la’yihiin oo ay ula iman la’yihiin barnaamijkooda si la isula fahmo, loona soo af-meerno dhibaatada iyo dagaalada, burburka, dilka iyo Fowdada.
Dhanka kale, Sh. Xabiib Aljafri, oo madax ka ah xarunta daraasaadka Daaba ee magaalada Dubai, ayaa shirka Dubai ku tilmaamay mid aad muhiim u ah, wuxuuna intaa raaciyay in Guddoomiye ku xigeenka Midowga Culimada Muslimiinta Sh. Cabdalla Bin Bayya, uu sabab u ahaa qabsoomidda shirkaas, ka dib markii uu dhinacyada isku haya Soomaaliya, oo dhan u diray dhambaal furan oo uu ugu sheegayo in ay waajib tahay in la joojiyo dhiigga daadanaya.