Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kulamo kula qaatey Masuuliyiin ka socotay beesha Caalamka magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Muqdisho, (TFG): Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan madoobe), oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, ayaa kulan la qaatey Wakiilo ka socda beesha Caalamka iyo qaar ka tirsan Masuuliyiinta Safaaradaha ku yaala dalka kenya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka, mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur, ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kulamo kula qaatey Wakiilo ka socday beesha Caalamka iyo Safiirada dalalka Talyaaniga iyo Spain, iyo Masuuliyiin ka tirsan Midowga Yurub, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, iyo howlaha Baarlamaanka iyo sidii ay beesha Caalamku u taageeri laheyd dadaalada ka socda dalka Soomaaliya.
Mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur, ayaa sidoo kale kala hadlay Masuuliyiintii uu la kulmay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dayactirka iyo dhismaha ku socda xarunta Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo guud ahaan dhismooyinkii Hay’addaha dowladdu ku shaqeyn jireen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiia, ayaa beri galinka danbe u sii duuli doona dalka Turkiga, halkaas oo uu ku casuumay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi, waxayna Guddoomiyaha iyo wafdigiisu booqan doonaan meelo taariikhi ah inta ay ku guda jiraan safarkooda, iyagoo dhanka kale kulamo la qaadan doona Masuuliyiinta dalkaasi.