Shirkan, oo shir-guddoominayay, Guddoomiye ku xigeenka Midowga Culimada Islaamka, Cabdalla Bin Bayya iyo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha Shuurada dalka Sacuudiga, Dr. Cabdalla Nadiif.
Bayaan laga soo saaray xarunta shirku ka dhacayo, ayaa lagu sheegay in ujeeddada shirku, tahay in dhinacyada hubeysan ee Soomaalia laga dhaadhiciyo sidii ay u soo fariisan lahaayeen miiska wada hadalka, waxaana sidoo kale si cad loo qeexi doonaa in kooxaha sheegayanaya magaca diimeed ee dagaalka ka wada dalka soomaaliya aysan diin ku taagneyn oo ay ka been sheegayaan diinta, hadii ay ku adkeystaan falalka in ay dagaalka sii wadaan magic diimeed iyagoo sheeganaya ay dadka muslimiinta ah gaaleysiiyaan.
Shirkan, waxaa arrimaha ugu waa weyn ee diiradda lagu saari doono ka mid ah:
gaaleysiinta dadka muslimiinta ah iyo waxa ay shareecada islaamku ka qabto, Mabda’ Al-walaa wal baraa’ ee ay xujada ka dhigtaan kooxaha dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.
Midowga Culimada Islaamka, ayaa sanadkii hore soo saarey bayaan ay ku dhaleeceynayaan hab dhaqanka kooxaha qaska ka wada Soomaaliya, oo magaca diinta u adeegsanaya gaarista danohooda siyaasadeed, waxaana Bayaankaas ku saxiixnaa Guddoomiye ku xigeenka Midowga Culimada Islaamka Sh. Cabdalla Bin Bayya, kaasoo kooxaha dagaalada kula jira dowladda Soomaaliya, ku tilmaamay kuwo diinta ka been sheegaya, islamarkaana banneysanaya dhiigga dadka Muslimiinta ah.