Muqdisho, (TFG): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan madoobe) iyo wafdi uu horkacayo, ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiya Baarlamaanka Soomaaliya mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur, waxaa xubnaha wafdigiisa ay ka koobnaayeen ilaa labo Xildhibaan iyo Xoghayntiisa, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Masuuliyiin uu horkacaayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, iyo Xubno kale.
Mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur, oo warbaahinta dowladda, la hadlaayay inta uusan ka duulin garoonka, ayaa sheegay in safarka wafdigu ay timid kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga.
Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay in ay tagi doonaan dalka Spain, marka ay dhameystaan booqashadooda dalka Turkiga, waxayna halkaas ooga qeybgeli doonaan shirka Baarlamaanada, kaasoo waxyaabaha looga hadli doono ay ka mid yihiin arrimaha Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur, waxaa uu sheegay in booqashadoodu qaadan doonto mudo hal todobaad ah, ayna dalka dib ugu soo laaban doonaan 21-ka bishan, wuxuuna sheegay in ay Masuuliyiinta dowladdahaasi kala hadli doonaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska iyo dib u soo celinta nabada dalka Soomaaliya, gaar ahaan dayactirka xarunta Golaha Baarlamaanka.
Safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur, uu ugu ambabaxay dalalka Turkiga iyo Spain, waa kii ugu horeeyay ee uu Guddoomiyuhu ku tago dalalkaas, tan iyo markii loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la filayaa in booqashada wafdiga Guddoomiyuhu ay wax weyn ku soo kordhin doonto howlaha Baarlamaanka.