Ciidamada Booliska dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo gacanta ku dhigay dad lala xariirinayo in ay ku lug lahaayeen falal amaanka wax loogu dhimayay oo maalintii shalay la fashiliyay.
Muqdisho, (TFG): Ciidamada amaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa howl gallo amaanka lagu sugayo oo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Waaberi ee gobalka Banaadir, waxaa ay ku soo qabteen dad lagu tuhun sanaa in ay ka danbeeyeen falal amniga wax loogu dhimayay.
Taliyaha qaybta bartamaha ee ciidanka Booliska G/sare. Cali Xirsi Cali (Cali Gaab), oo u waramaayay warbaahinta dowaldda, ayaa sheegay in ciidamadu ay soo qabteen labo ruux oo lagu tuhmay in ay ku lug lahaayeen falal amaanka lagu carqaladeynayay oo dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo ahaa Rasaas iyo Qoryo si sharci darro ah loogu heystay xaafaddo ka tirsan degmada Waaberi ee gobalka Banaadir.
G/sare.Cali Xirsi Cali, ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadayaan howlaha lagu xaqiijinayo ammaanka degmooyinka ay dowladdu gacanta ku hayso, si shacabka soomaaliyeed ee nabada doonaya aan dhibaato loogu geysan oo ay u helaan ammaan iyo kala danbayn ay ku noolaadaan.
Ciidamada amaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa maalmihii ugu danbeeyay wadey howl gallo ballaaran oo wax looga qabanyo amaan darida ka jirta qaybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo ay soo dhaweeyeen dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa daba joogta kadib markii maalintii shalay uu afhayeenka ciidamada booliska soomaaliyeed g/sare. c/laahi xasan bariise, warbaahinta u soo bandhigay hub, rasaas iyo qalab ciidan oo ay ciidamada dowladdu qabteen kuwaasoo la damacsanaaa in loo gudbiyo kooxaha dowladda ka soo horjeeda.