Muqdisho, (TFG): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan madoobe) iyo xubno Xildhibaano ah ka tirsan Golaha Baarlamaanka, ayaa booqasho ku tagey Guriga Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha iyo xubnihii Xildhibaanada ahaa ee booqashada ku wehliyay, ayaa soo kormeeray qaabka uu u socdo dayactirka iyo dib u habeynta lagu wado Gorigii Umada ee Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha, ayaa ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay dhismaha Gurigii Umada, waxaana ku wehlinaayay Gudiga dayactirka u xilsaaran Baarlamaanka ee gacanta ku haya howsha dhismaha Guriga Umada.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa, ayaa mid mid u soo kormeeray qolalka iyo hoolalka kala duwan ee uu ka kooban yahay Guriga Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in Xildhibaanadu ay dhawaan ku qabsan doonaan kalfadhigooda ugu horeeya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur, ayaa intaa ku darey in dhismuhu uu socday mudo, balse lagu guuleystay intisii badnayd oo ay Xildhibaanadu maalmaha soo socda ku qabsan doonaan kulamadooda.
Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay in Goluhu uu kalfadhiyadiisa u horeeya ku qabsan doono Guriga Umada, wuxuuna sheegay in arrintani tahay guul u soo hoyatay umada Soomaaliyeed, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in bilaha soo socda ay ku yeelan doonaan kalfadhiyadooda.
Guriga umada, ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa ka socday dayactiro iyo dib u howlgelin lagu haayay si loogu qabto kalfadhiyada Baarlamaanka, waxaana hada gabagabo maraya hoolalkii iyo qolalkii loogu talagalay shirarkaas.