Ra’isal wasaare Cumar C/rashiid iyo wafdiga oo hogaaminaayo, ayaa magaalada Addiss-ababa, kaga qeybgeli doona kulan ay heshiis kama danbeys ah ku kala saxiixanayaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo wafdi ka socda Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca.
Ra’isal wasaaraha iyo wafdigiisa, ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda ka qeybgalaan kulankaas, si loo gabagabeeyo heshiiskii hordhaca ahaa ee ku dhexmarey dowladda KMG ah iyo Culumaa’udiinka Ahlu Suna, magaalada Addiss-ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia, Ambassador Saciid Yuusuf Nuur, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in Ra’isal wasaaraha iyo wafdigiisa ay u soo gaareen magaalada Addiss-ababa, si ay heshiis kama danbeys ah ula saxiixdaan Culumaa’udiinka Ahlu Suna.
Dhanka kale, wafdi ka socday Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca, oo ka soo kicitimay gobalada dhexe ee dalka, ayaa iyana soo gaarey magaalada Addiss-ababa, si ay dhankooda ula saxiixdaan heshiiskan Masuuliyiinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Heshiiskan, ayaa waxaa uu daba joogaa heshiis horey ugu dhexmarey magaalada Addiss-ababa Masuuliyiin ka socday dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo wafdi ka socday Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca.