Dowladda Soomaaliya oo Odayaal heshiisiiya u direysa labo Beelood oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobalada Mudug iyo Galgaduud.
Muqdisho, (TFG): Wasiiro ka tirsan xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa kulan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka ka soo jeeda beelaha wada dega goballada Galgaduud iyo Mudug.
Kulanka, oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo xalin lahaa dagaallo beeleedyo maalmihii ugu danbeeyay ka soo cusboonaaday deegaanada Camaara iyo Bacaadweyn ee goballada Galgaduud iyo Mudug, kaasoo lagu qabtay xafiiska Ra’isal wasaaraha ee magaalada Muqdisho.
Ku simaha Ra’isal wasaaraha ahna Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi), oo kulankaasi kadib warbaahinta dowladda, la hadlay ayaa sheegay in ay dowladdu ku guuleysatay in ay Odayaal nabad dhex dhiga labadaas Beelood u dirto deegaannada Bacaadweyn iyo Camaara, si ay u soo dhameeyaan dagaalladaasi, wuxuuna sheegay in Odayaashu ka aqbaleen arrintaas, ayna sida ugu dhaqsaha badan u aadayaan deegaannadii lagu dagaalamay.
Xildhibaan Xuseen Cabdi Cilmi, oo ka mid ahaa ka qeybgalayaashii kulankaas, ayaa sheegay in arrintani ay qeyb ka tahay dib u heshiisiinta ay waddo dowladda KMG ah ee Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday Beelahaasi in ay si degdeg ah u joojiyaan dagaallada.
Dhanka kale, Nabadoon Axmed Diiriye Cali, oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye, ayaa uga mahad celiayay Masuuliyiinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo dowladdaba, howlaha dib u heshiisiineed ee ay wadaan iyo sida ay uga danqanayaan dhibaatooyinka soo gaaraya shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay beelaha dagaalamaya in ay dagaalka joojiyaan, isagoo beelaha kula dardaarmay in ay u dhaga nuglaadaan talooyinka wafdiga loo dirayo uu usoo jeediyo, ayna dagaalada joojiyaan inta wafdigu ka gaarayo deegaanadaas.