Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo soo bandhigay Qalab ciidan oo ay qabteen.
Muqdisho, (TFG): Ciidamada amaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo maalmahan howlgalo amaanka lagu sugayo ka waday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, ayaa gacanta ku dhigay Hub, Darees ciidan, Rasaas iyo Waxyaabaha qarxa.
Munaasabadaas, lagu soo bandhigayay Hubkaas ay ciidamadu qabteen, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah, kuwaasoo ciidamada ku amaanay sida wanaagsan ee ay u guteen waajibaadkooda, waxayna sheegeen in tani tusaale u tahay in dowladdu soo jeedo oo aysan hurdin, lalana socdo dhaqdhaqaaqyada kooxaha sharwadayaasha ah ee dhibaatada ka wada dalka.
Afhayeenka ciidanka Booliska dowladda KMG ah G/sare. C/laahi Xasan Bariise, oo ka hadlaayay Munaasabad lagu soo bandhigayay Hub, Darees ciidan, Waxyaabaha qarxa iyo Qalab ciidan, oo ay ciidamada amaanka dowladda KMG ah ku qabteen baaritaano ay ka sameeyeen qaybo ka mid magaalada Muqdisho.
Afhayeenka, ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen saanad ciidan oo aad u fara badan oo isugu jirta: Dareeska ciidamadu ku labistaan, Miinooyin ka dhulka la geliyo, Batariyaasha loo isticmaalo qarxinta Miinooyinkaas, Qori A-K47 ah, iyo waxyaabo kale.
G/sare. C/laahi Xasan Bariise, ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amaanku ay qalabkan kala duwan ka soo qabteen xaafadda Afisyoone, oo u dhow xeradii ciidamadii hore ee cirka ee degmada Waabari ee gobalka Banaadir, halkaasi oo uu ku dhuumaaleysanayay mid ka mid ah Maleeshiyaadka dowladda ka soo horjeeda oo Maleeshiyaadkaas u qaabilsanaa dhigista Miinooyinka goobaha dowladdu degan tahay.
Afhayeenka, waxaa uu sheegay in markii ciidamada amaanku ka warheleen in ninkaasi uu ku dhuumalaysanayo deegaankaas, ay isla markiiba u howlgaleen sidii loo qaban lahaa, iyadoo lagu soo wargeliyay in ninkaasi uu maleegayo shirqoolo badan, taasina ay ciidamada u sahashay in ay goobta si deg deg ah ku garaan, wuxuuna sheegay in ninkii uu goobtaasi ka baxsaday, balse lagu raad joogo xog badana laga hayo.
Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya, G/sare. C/laahi Xasan Bariise, ayaa ka dhawaajiyay in ay sii wadi doonaan baaritaanada ay ka wadaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu sugayo amaanka, wuxuuna sheegay in ay sii balaarin doonaan howlahaasi iyagoo goobo horlehna ka sameyn doono baaritaano.
Afhayeenka, ayaa dhanka kale sheegay in cidkasta oo isku dayda in ay qalqal geliso amaanka dalka, aan loo dulqaadan doonin wixii hada ka danbeeya, wuxuuna sheegay in shacabku ku baraarugeen waxa ay wadaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda in aysan aheyn diin, taasina ay u sahlayso in ay wada shaqeyn dheeraad ah dhexmarto ciidamada dowladda iyo shacabka ku dhaqan gobalka Banaadir.
G/sare. C/laahi Xasan Bariise, ayaa ugu danbeyn kooxaha la shaqeeya kooxaha dowladda ka soo horjeeda, uga digay in ay ka shaqeeeyaan falalkaas, wuxuuna sheegay hadii ay ka waantoobi waayaan in ay dhadhamin doonaan dhibaatada ay leedahay in la maleego shirqoolo ka dhan ah danaha bulshada, iyadoo la doonayo in lagu gaaro dano qaas ah oo ku siman xoogaa faa’iido lacageed ah oo laga helo, wuxuuna sheegay in ay soo taagi doonaan cidkasta oo ay ku qabtaan iyadoo farha kula jirta falalkaas cadaalada, ayna heli doonto wixii ay shaqeysatay.