Warqad ku socota xubnaha Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool No. 23.
Nairobi, (TFG): Warqada ayaa u qorneyd sidan:
1. Wararka ka imaanaya wadankiina mar walba waa mid qasan, hasa ahaatee sidaan waligayba ahaa waxaan jeclahay in aan ka fiiriyo dhinaca wanaaga, wanaagaas oo aan laba sheegin ama wax yar uun laga sheego, waxaan isku dayeynaa sidaan mar walba arrinta Soomaaliya ugu riixi laheyn dhinaca wanaaga, dadka kale ayaan u daynayaa in ay sheegaan wararka guracan ama aan wanaaga laheyn, waana hubaa kuwaasi in aysan ka tagi doonin sheegista warka xun.
2. Dowladdu waxay si joogto ah u wadaaa dadaal muhiim ah oo ay xiriir kula sameyneyso kooxaha iyo shakhsiyaadka daneeya nabadda, xasiloonida iyo sidii sharafkii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa. Waxaan anigu mar walba oran jiray in arrinta Soomaaliya lagu xalin karo oo keliya dhinaca siyaasadda, waxaana tusaalaha ugu dambeeyey noo ah: dadaalka loo galay in heshiis lala gaaro Ahlu Sunna wal Jamaaca, wuxuu muhiim u yahay heshiiskan dhowr sababood dartood, Ahlu Sunna, waa koox wadaniyiin ah aadna loogu xurmeeyo aragtidooda diimeed darteed, islamarkaana waxay si dhab ah uga turjumayaan diinta saxda ah iyo dhaqankii Soomaalida ee dhabta ahaa, waxaan rajeyneynaa in heshiiskani uu noqdo talaabadii koowaad, islamarkaana uu noqon doono talaabo ay ku soo daydaan kooxaha kale si ay ugu soo biiraan ulana shaqeeyaan dowladda, wax wanaagsan in la sameeyo waa arrin mar walba loo baahan yahay, haba lala soo daahee samaynta wanaaga aan sheegayno, intaas waxaa dheer, heshiiska Ahlu Sunna, wuxuu waafaqsan yahay heshiiskii Jabuuti iyo bayaankii wada jirka ahaa oo dowladda iyo Ahlu Sunna, gaareen, gacanna uu ka geystay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Soomaaliya, bishii la soo dhaafay ee Juun.
3. Dhanka kale, howl muhiim ah ayaa ka socota qoritaanka dastuurka, kulan aqoon iswaydaarsi ah, ayaa hadda uga socda magaalada Jabuuti, Xubnaha Guddiga Maddaxa Banaan ee u xilsaaran qoritaanka dastuurka cusub, si ay u dhameeyaan qoraalkooda kowaad ama ‘Draaftiga’ koowaad bisha Juun ee sannadkan, Guddigu, wuxuu ku heshiiyay in ay xaqiijiyaan in qoraalkkoodu uu ahaado mid adag, oo qeexan , oona kooban, waqtigaan hadda la joogo looma baahna in la galo arrimmaha aad u tafaftiran ee dastuurka sida sharciga haga, ganacsiga iyo arrimmaha qooyska, dastuurkani wuxuu ka kaalmeynayaa wadankiina qabsoomida doorashooyinka la filaayo in ay ka dhacaan dalkiina sannadka soo socda, Gudigii caalamiga ahaa ee u xilsaaran arrimmaha
Dastuurka, waxay u muuqdaan in ay ka go’an tahay in ay isbedel ku sameeyaan habkii qoritaanka dastuurka ee mudada dheer qaatay.
4. Dhab ahaantii, waxaan ka xumaaday khilaafaadka macno darada ah ee ka jira magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xubnaha Baarlamaanka, dhexdooda, waxaan ku amaanayaa sida geesinimada leh ee ay uga shaqeynayaan caasimada, waxaana la socda in aysan helin gunnaddii sidii ay aheyd in ay u helaan, weli aragtideydu waa in ay u dhaqmaan sida dad hogaamiyaal Qaran ah intii ay u howl geli lahaayeen in midba midka kale sidii uu u boqno goyn lahaa, sidoo kalana aysan boqna goyn hogaanka dalkooda, Arrimahaas waxaa kaliya oo ay wax ku biirinayaan ama kaalmeynayaan kuwa doonaya inay idin afgambiyaan, kuna hayaan dalkiina xalad jahawareer ah iyo isqadarin laa’anta ka dhalan karta, waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanada in ay xooga saaraan nabadeynta dalka muujiyaana dulqaad, dhamaanteen waxaan daneyneynaa Xildhibaanada, waxaana sii wadeynaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada heysata.
5. Dhinaca nabadgelyada, waxaa u socda tabar Booliiska iyo ciidamada Soomaaliyeed, qaar badan oo saaxiibadiin ah waxay ka shaqeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa ama loogu heli lahaa ciidamadaas mushaar joogta ah, waxay ku guda jiraan shaqo adag, waxayna markasta la kulmaan weeraro xaq daro ah, ciidamadaan iyo Madaxdoodaba, waxay mudan yihiin in ay helaan taageerada iyo dulqaadkanaga, Taliyaha cusub ee ciidamada, wuxuu mudan yahay in uu helo taageeradiina iyo dhamaan taageerada saaxiibadda dhabta ah ee Soomaaliya.
6. Waxaa aad ii soo jiitay horumarka laga gaaray dhinaca Warbaahinta, Wariyayaal cusub ayaa iyaguna bilaabay in la dhageysto fikradooda iyo codkoodaba, dad badan ayaa iyaguna bilaabay in ay dhagaystaan Radio Muqdisho iyo Idaacado kale, inkasta oo caga jugleen xoog leh ay ka imaanayso dhinica xag-jirayaasha, waxaan fahansanahay in kuwiina jooga dibaddaha ay maqli karayaan Radio Muqdishu, ayaga oo addegsanaya aalada Setelaydaytka iyo Internedka, dagaalka dhinaca Warbaahinta, waa mid aad u muhiimsan sidaas darteed waa in aan ku dhiirri gelinaa xukumadda iyo dadweynaha Soomalliyeed in ay baahiyaan fikradahooda ilaa iyo inta suurta gal ah, dadkani waa in aysan ku hab-qanin warka been abbuurka ah ee meelaha kale laga sii deynaayo, waxaan ku guubabinayaa bulshada Caalamka in ay soo dhex galaan arrintaan kaalmana ka geystaan arrimaha Warbaahinta, maadaama kaalmo yar oo lacageed oo ay bixiyaan ay yeelanayso wax tar weyn, waxaa la doonayaa in la maqlo taalooyinka iyo fikradaha wax dhisaya.
7. Madaxweyne Shariif, ayaa isbuucan joogo magaalada London, si uu ula kulmo Ra’isal Wasaare Gordon Brown iyo Wasiiro kale iyo qurba joogta Soomaaliyeed, arrintani waxaan u arkaa in ay tahay calaamad muhiim ah oo muujinaysa sida joogtada ah ee dowladda Ingiriiska, ay ugu lug yeelanayso arrimaha Soomaaliya, iyo sidii ay ugu lug yeelan lahaayeen kuwiinaan ku nool dalka Ingariiska, waxaa mar walba wax tar leh in uu Madaxweynuhu, saxiibo ku la ahaado waddan ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Amaanka, dhab ahaantii, maadaama aad dowlad haysataan, fikrad kasto oo aad ka qabtaan xubnaha dowladda iyo waxqabadkeedaba, hadana waxa aad qabtaan dowladdaas ayaa u suura gelinayso bulshada Caalamka, in ay idinla dhaqanto dad la siman shucuubta kale ee ka jirta dunida, Intaas waxaa dheer, dowladdu waxay wadanka u diyaar garaynaysaa in uu ka gudbo xaaladdii ceebta lahayd oo la oran jiray Soomaaliya waa “waddan guuldaraystay or (failed state).
8. Waxaan rajeynayaa, arrimaha Soomaaliya dartood, in aan u qabbano shir dib loogu dhisaayo laguna horumarinaayo arrimaha Soomaaliya, ka hor bartamaha sanadkaan, arrintaasi waa fursad labaad oo Addunyadu ugu soo jeesanayso Soomaaliya, oo markaana wadanka loo arkaynin (sidii waddan guul daraystay), balse loo arkayo Soomaaliya waddan arrintiisu ay ‘jilicsan tahay’ oo keliya taasina uu la waddaago waddama badan ee soo koraya, una baahan in dib loo dhiso, faahfaahin dheeraad ah ayaan idinka siin doonaa goorta uu qabsoomo shirkaas.
9. Sida qaalibka ah, Dal haddii uu ka dhaco dagaal Ahli ah, waxaa soo fara geliya waddamado iyo Ururo aan Dowli aheyn, waana arrin aan laga baaqsan Karin, Sidaas darteed waa in aan u arragnaa fara gelinta arrin caadi ah, hase ahaatee, waxaa muuqata dagaalka sokeeye ee u dheeraaday waddankiina dartiis, in faragelinta Ajnabiga uu gaartay heer aan caadi ahayn, intaas waxaa ka sii daran in faragelintu tahay mid macno darro iyo fowdo ku fadhida oo aan weliba ku qotomin wax istiraatiijiyad ah, dadka qaar waxay faragelin u sameynayaan oo keliya si ay u muujiyaan in waxa ay amiinsan yihiin oo keliya ay yihiin arrin muhiim ah, kuwa kalana fara-gelintu waxay u tahay dabeecad mana garwaaqsan karaan waxa ka dhalan kara ficilkooda, qaar kalana waxay faragelin u sameynayaan in ay qariyaan howlo sharci darro ah oo ay ku gudojiraan, dhab ahaantii idinka oo Soomaali ah ayey idiinku xiran tahay in aad gacan ka geysataan sidii lagu dhameyn lahaa xaaladda hadda jirta dalka, idinkoo midaynaya dhamaan ficiladdiina. Haddii aad tihiin dadka qurbo joogta ah, waxaad ka ciyaari kartaan door hoggaamin iyo waddaniyadba leh arrintan, wax ka qabadkeeda, waxaa loo baahan yahay in aad la timaadaan dulqaad, isu-tanaasul iyo ficil waddaniyad ku dheehan tahay,
Illaahay, wuxuu ku leeyahay Suraddiisa 8 V 53, “Ilaahay ma badallo nicmad uu ku galadaystay ummad ilaa ay ummaddaasi xaaladeeda bedesho”,
10. Isbuucii la soo dhafaay, Kanada iyo Ingiriiska, ayaa iyaguna ku biiray waddamada kale ee uu ka mid yahay Mareykanka, waddamadaas oo ku daray kooxda Al-Shabaab liiska argagixisada, inkasta oo talaabadani ay jawaab celin u tahay ujeedooyin heer Qaran ah, oo ay leeyihiin Kanada iyo Ingiriiska, hadana go’aankani, wuxuu caqabad ku abuuri karaa nolosha dadkiina sida nabada ah ugu nool waddamadaasi, waxaa dhici karta in mar walba si aan loo baahnayn la idiin abaraayo.