Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen Rasaas loo wadey kooxaha dowladda ka soo horjeeda.
Muqdisho, (TFG): Ciidamada Booliska dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa baaritaano ay ka wadeen qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, waxay ku soo qabteen Rasaar lagu qariyay gaari dhexdiis.
Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya, G/sare. C/laahi Xasan Bariise, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ka shakiyeen Gaariga lagu arkay dhexdiis Rasaasta, kadibna ay baaritaan ku sameeyeen, wuxuuna sheegay in ciidanku arkeen Rasaasta, sidaasna lagu fashiliyay qorshahoodii ay ku damacsanaayeen in ay ku gudbiyaan Rasaastaas.
Afhayeenka, ayaa intaa ku darey in Rasaastu ay aheyd ilaa labo jawaan oo laga soo buuxiyay Rasaas isugu jirta noocyada hubka yar yar ee darandooriga u dhaca sida A-47 iyo qoriga Soomaalidu u taqaano daba miishaarka ama daba jeexa iyo Rasaas kale, kuwaasoo la damacsanaa in loo gudbiyo kooxaha dowladda ka soo horjeeda si ay ugu adeegsadaan dagaaladda ay dowladda kala soo horjeedaan, wuxuuna sheegay in baaritaano lagu sameynayo arrintan, isagoo sheegay in la baarayo labada nin ee Gaariga wadey sharcigana la waafajin doono wixii ay muteystaana la marsiin doono.
G/sare. C/laahi Xasan Bariise, ayaa sidoo kale sheegay in ay horey digniin ugu direen Milkiilayaasha gaadiidka iyo Darawaladaba, in ay iska fiiriyaan waxa ay qaadayaan, ayna muuqato in aysan u hogaansamin arrintaas, wuxuuna sheegay in talaabooyinkani ay qeyb ka yihiin falalka amaanka wax loogu dhimayo, laguna dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadayaan howlgalada amaanka dib loogu soo celinayo.
Qabashada Rasaasta lagu qabto Gawaarida isaga kala gooshta magaalada Muqdisho qeybaheeda kala duwan, ayaa dadka ku xeeldheer arrimaha ciidanka iyo amniga ay sheegeen in ay dhacaan xiliyada dagaalada culusi ay ka dhacaan magaalada, maadaama kooxaha dagaalada kala soo horjeed dowladda ay inta badan dhibaato ku qabaan helida Rasaasta, waxayna ku dadaalaan in ay ku helaan qaab ganacsi, taasoo ay ka faa’iideystaan kooxo wax ma garato ah oo u fududeeya kooxaha dhibaatada dalka ka wada helida Rasaastaas si colaada ay u sii huriyaan, waana arrin looga baahan yahay ciidamada amnigu in ay dabagal ku sameeyaan qabqabashada kooxahaas, si ay u yaraato in la helo cid ku dhiirata ka ganacsiga waxyaabaha dadka lagu dhibaateynayo.