Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo la kulmay Jaaliyadda magaaalada Birminghum.
Muqdisho, (TFG): Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdigiisa, ayaa kulan balaaran la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Birmingham ee dalka Britain.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa, ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay Culumada Soomaaliyeed, Ardayda, Odayaasha, Dhalinyarada, Haweenka iyo Waalidiinta ku nool magaaladaasi, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay waxka qabashada xaaladda dalka iyo doorka ay ka qaadan karaan Jaaliyaddaha xalinta dhibaatada ka taagan dalka, waxaana kulankaasi lagu taageeray hannaanka nabaddeed ee ay dowladdu hoggaanka u hayso.
Wasiirka jaaliyaddaha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, mudane C/laahi Axmed C/dulle (Az-hari), oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in wafdigu uu qeyb qeyb ula kulmay, wuxuuna sheegay in ay jaaliyadduhu usoo bandhigeen Madaxweynaha caqabadaha ku haysta qurbaha iyo talooyin kale oo ku saabsan qaabka loo nabadeyn karo ama wax looga qaban karo dhibaatada ka jirta si ay ugu fududaato in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda.
Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdigiisa, ayaa kulankaasi khudbad qiimo badan u jeediyay kumanaan ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska, wuxuuna uga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalku ku jiro iyo wax yaabaha la gudboon dowladda iyo Soomaalida, si looga baxo dhibaatada ka jirta dalka.
Madaxweynaha, oo judbadiisu u badnayd waano iyo warbixin, ayaa mararka qaarna soo dhexgelinayay hadalo kaftan ah si uu kasoo qeybgalayaasha ugu tusaaleeyo wadciga jira, isagoo misna la kaftamaya, wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka midnimada iyo sidii loo dhameyn lahaa khilaafka mudada soo jiitamayay ee haysta shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, isagoo kula dardaarmay in ay midnimada iyo walaaltinimada dhexdooda ah ku dadaalaan si loo gaaro sharaf iyo karaamo.
Madaxweynaha, ayaa dhanka kale warbixintiisa kaga hadlay waxqabadka dowladda mudadii koobneyd ee ay jirtay, wuxuuna sheegay in dowladdu la kulantay caqabado fara badan, balse ay ka gudubtay intoodi badnaa, wuxuuna sheegay in ay wax badan qabatay marka loo fiiriyo waqtiga yar ee ay jirtay iyo guulaha ay soo hoysay ee dhinacyada siyaasada caalamka iyo talaabooyinka dib u heshiisiineed ee ay dowladdu ka hirgelisay dalka, isagoo sheegay in dowladdu xubno badan oo kooxaha Mucaaradka ku jirey ay dowladdu ku guuleysatay in ay dowladda ku soo biiraan, wuxuuna sheegay in ay Masuuliyiin ka yihiin dowladda inta dhiman ee ay Soomaalinimadu ku weyn tahayna la soo dhaweynayo hadii ay diyaar u yihiin.
Madaxweynaha, ayaa sidoo kale ka hadlay dhinaca amaanka dalka, wuxuuna sheegay in shacabku ka nasan doonaan dhibaatada ay ku hayaan kooxaha magacyada diimeed ku qaraabanaya, islamarkaana dhibaateynaya shacabka, kuwaasoo baneystay dhiigooda iyo maalkooda, wuxuuna dadkii uu la hadlaayay u sheegay in hadafka dowladdu uu yahay in Soomaaliya, aysan hoy u noqon kooxo danbiyo ka soo galay dalalkooda iyo Caalamka, ayna ka saari doonaan ciida Soomaaliya, ee ay gardarada ku soo galeen, wuxuuna sheegay in ay u diyaariyeen ciidamo loo soo tababaray wax ka qabashada howlahaas, ayna mar dhow shaqadooda qabsan doonaan, isagoo jaaliyada ka codsaday in ay dhankooda gacan ka geystaan howlaha lagu xoreynayo dalka.