Maamulka gobalka Banaadir oo sheegay in ay Gudi u magacaabeen la socodka qasaaraha ka dhasha dagaalada ka socda Muqdisho.
Muqdisho, (TFG): Maamulka gobalka Banaadir, ayaa magacaabay Guddi soo baara qasaaraha ka dhashay dagaalada ka socanaya gudaha magaalada Muqdisho, iyagoo dadweynaha Soomaaliyeedna ugu baaqay inay ka feejignaadaan goobaha dagaalka.
Kulan , looga hadlaayay dagaalada ka socanaya magaalada Muqdisho, oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Wasaarada arrimaha gudaha iyo Maamulka gobalka Banaadir, oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha gudaha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya mudane C/rashiid Maxamed Xidig iyo Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Eng. C/risaaq Maxamed Nuur (Eng. Nuune) iyo Xubno kale, ayaa lagu qabtay xarunta maamulka gobalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Kulankaasi kadib, waxaa saxaafadda la hadlay Guddoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Eng. C/risaaq Maxamed Nuur, ayaa uga digay dadweynaha Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan goobaha dagaaladu ka socdaan, wuxuuna kula taliyay in markii ay dareemaan shacabku in lagu soo wajahan yahay meelaha ay degan yihiin in ay ku dadaalaan sidii ay uga baxsan lahaayeen si aysan qasaaro uga soo gaarin.
Guddoomiyaha, ayaa intaa ku darey in dowladdu aysan doonayn in ay waxyeelo soo gaarto shacabka Soomaaliyeed, balse ay dowladdu doonayso in ay ka xoreyso kooxahaas, wuxuuna sheegay in dowladda hoose ay diyaar u tahay in ay shacabka u fududeyso tasiilaadka ay ku noolaan lahaayeen iyadoo howlahaas kala kaashanaysa dowladda dhexe si shacabka loo badbaadiyo.
Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Eng.C/risaaq Maxamed Nuur (Eng. Nuune), ayaa sidoo kale ka warbixiyay Guddi ay u magacaabeen meelaha dagaaladu ka socdaan, gaar ahaan dhinaca Bari, kuwaasoo u xilsaaran duugista Meydadka kala duwan iyo la socodka qasaaraha ka dhasha dagaallada, wuxuuna sheegay in Guddigaasi uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka dhinaca nabadgelyada gobalka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan iyo 5-Guddoomiyeyaal Degmooyinka gobalka Banaadir.