Wasiirka jaaliyadaha Soomaaliya oo sheegay in maamul loo sameyn doono jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska.
London, (TFG): Wasiirka jaaliyadaha ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, mudan C/laahi Axmed Cabdule (Az-hari), ayaa shaaca ka qaaday in ay nidaam iyo maamul u sameyn doonaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska.
Wasiirka jaaliyadaha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya mudane C/laahi Axmed Cabdule (Az-hari), oo ka hadlaayay Munaasabad lagu soo dhaweynaayay Madaxweynaha iyo wafdigiisa, oo ka dhacday bariga magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in maamul loo sameeyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, maadaama ay yihiin jaaliyada ugu badan ee ku nool Qaarada Yurub.
Wasiirka, oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in looga baahan yahay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, in ay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ka jirta dalka, iyo in ay wada shaqeyn joogto ah la yeeshaan sidii loo qaban lahaa kuwa dhibaatooyinka ka geysanaya dalka gudihiisa, islamarkaana ku dhuumaaleysanaya dalkan Ingiriiska iyo dalalka kale ee Caalamka.