Wasiirka dalxiiska iyo duurjoogta oo ka warbixiyay safaro uu ku tagey dalal dibada ah.
Muqdisho, (TFG): Wasiirka dalxiiska iyo duurjoogta xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Saciid, oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ka warbixiyay safaro uu ku tagey dalal dibada ah iyo balan qaadyo ay u sameeyeen dalalkaas.
Wasiirka dalxiiska iyo duurjoogta xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Saciid, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in uu safaro ku tagey dalal dibada ah oo ay ka mid yihiin: Suuriya, Lubnaan, Ethiopia iyo Djabuuti, wuxuuna sheegay in ay u balan qaadeen in ay dowladda Soomaaliya, ka gacan siinayaan dhanka dib u dhiska goobihii dalxiiska dalka sida Hotelada iyo meelo loo tagi jirey dalxiiska iyo in ay ka gacan siiyaan dhanka tababarada howlwadeenada iyo shaqaalaha Wasaarada dalxiiska, si kor loogu qaado tayada shaqada Wasaarada.
Mudane Maxamed Xuseen Saciid, ayaa intaa ku darey in uu la kulmay Wasiirka dalxiiska dalka Suuriya, ayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka saaxiibtinimo iyo midka walaaltinimo ee xog isdhaafsiga ku saleysan ee labada dowladdood iyo sidii loo xoojin lahaa, islamarkaana ay dowladda Suuriya gacan ka siiso dowladda Soomaaliya dib u dhiska goobaha dalxiiska dalka Soomaaliya iyo tababarida shaqaalaha Wasaarada, wuxuuna sheegay in ay dhamaan kulamadii uu la yeeshay Madaxdaas ku soo dhamaadeen jawi wanaagsan.
Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan howlo ay ku dardargelinayaan shaqada Wasaarada, oo ay ka mid yihiin dalka in laga hirgeliyo goobo cusub oo dalxiiska loogu talagalay iyo in Wasaaradu qaadato shaqaale cusub oo da’yar ah, wuxuuna sheegay in amaandarada dalka ka jirta ay dib u dhac ku keentay howlaha dalxiiska dalka.