Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran dalka Mozambiig oo Masuuliyiinta dowladda ka codsadey in ay ka sii daayaan.
Maputo, (TFG): Maxaabiis Soomaali ah oo ku xir xiran xabsiyo ku yaala dalka Musambiig, ayaa waxaa soo food saarey xaaladdo nolol xumo oo aad u ba’an.
Xasan Cismaan Dhoore, oo ka mid ah Maxaabiistaas ku xiran mid ka mid ah xabsiyada dalka Mosambiig, oo si qarsoodi ah ula soo xariiray, warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in gudaha xabsiga ay cuduro ay ka mid yihiin kuwa ku dhaca maqaarka ay ka dilaaceen iyo cuduro kale oo uu sheegay in aysan aqoon u laheyn.
Xasan Cismaan Dhoore, ayaa sidoo kale sheegay in ay dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin Biyo la’aan iyo Cuno yari, ay ka jiraan halkaas, wuxuuna sheegay in aysan awood u laheyn inay dib u helaan xoriyadooda.
Maxaabiistan, ayaa tiradoodu gaareysaa ilaa 40 Maxbuus, oo isugu jira Caruur, Haween iyo Dhalinyaro, waxayna intooda badan ku xiran yihiin xabsi ku yaala magaalada Mabuulo ee caasimada sedexaad ee dalka Musambiig.
Xasan Cismaan, ayaa dhanka kale sheegay in ay dhowr jeer oo hore isku dayeen in ay galaan dalka Tanzaaniya, hase yeeshee ay diiday dowladaasi in ay qaabisho, sidaas darteedna markale dib loogu soo celiyay gudaha dalka Musanbiiq, islamarkaana xabsiga loo taxaabay, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay in aysan jirin cid la hadashay, wuxuuna sheegay in ay mudo Bil ah ku dhibaateysnaayeen xabsiga gudihiisa, ayna Masuuliyiinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ka codsanayaan in ay u soo gurmadaan, ayna xabsiga ka sii daayaan, maadaama ay yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed, dibna loogu soo celiyo dalkooda.