Ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo kulamo la qaatey Madaxweynayaal iyo Masuuliyiinta Ururka Midowga Afrika.
Muqdisho, (TFG): Ra’isal wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdigii uu hogaaminaayay, oo booqasho shaqo ku joogay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, ayaa kulamo la qaatey Madaxweynayaal iyo qaar ka mid ah Madaxda Ururka Midowga Afrika.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Amerrika, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in Ra’isal wasaaraha iyo wafdigiisu, ay kulamo la qaateen Madax kala duwan oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika.
Maxamed Cali Amerika, ayaa sidoo kale sheegay in ay Madaxdaasi ka mid ahaayeen Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki, Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Muzafini, Madaxweynaha dalka Djbauuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dallka Suudaan iyo Masuuliyiin kale, wuxuuna dhamaantood kala hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Madaxda dowladdahaas nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Amerika, ayaa dhanka kale sheegay in Ra’isal wasaaraha iyo wafdigiisu ay kulamo la qaadan doonaan inta ay joogaan magaalada Nairobi, Masuuliyiinta Hay’addaha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay dalka Kenya.