Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ku jira maalintii labaad ee Booqashadooda.
London, (TFG): Madaxweynaha Soomaaliya, Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdigiisa, ayaa waxa u bilaabatay kulan saacad ku dhawaad socdey oo ay Madaxweynaha iyo wafdigiisa, la qaateen saxaafadda dalka UK, iyadoo ay ka soo qayb galeen suxufiyiin Soomaali ah.
Madaxweynuhu, wuxuu kulankaas saxaafada la hadlay muda saacad ku dhow, oo ay saxaafaddu 40 daqiiqo su’ aalo dhan walba taabanayey weydiiyeen, waxayna intaa kadib, galeen daawasho iyo dalxiis hal saac qaatay oo ay ku soo mareen aqalka Baarlamaanka Britain, halkaas oo la tusay qaybaha kala duwan ee Baarlamaanka dalkaas, gaar ahaan dhisme lagu shaqaynayey kun sano, iyo meelaha ay ku shiraan Baarlamaanka, Aqalka Odayaasha iyo guud ahaan dhismaha taariikhiga ah ee Westminster.
Madaxweynaha iyo wafdigiisu, waxay kaloo tageen Lancaster House, halkaas oo ay wada-hadal su’aalo ay la socdaan kula yeesheen ka soo qayb-galayaashii kulan Soomaaliya iyo kaalinta Britain ku saabsanaa, shirkaas oo uu xiriirinayey Dr. Musharaf Xuseen Al-Azhari.
Madaxweynaha iyo wafdigiisu, waxay ka qeybgaleen casuumad qado sharaf ah, oo ay Guriga Baarlamaanka ugu sameysay, Wasiiradda Africa u qaabilsan Britain, Glenys Kinnock, waxayna sidoo kale booqdeen Scotland Yard, gaar ahaan Taliska Ka Hortagga Argagixisada, halkaas oo ay wada hadalo kula yeesheen Taliyaha ugu sarreeya ka hortagga Argagixisada.
Madaxweynaha iyo wafdigiisu, waxay kaloo tageen Waaxda Horumarinta Caalamiga ah (Department of International Development), u qaabilsan dalka Ingiriiska, waxayna kulan dheer la qaateen Ku xigeenka Madaxa xasilinta khilaafaadka (Stabalization-ka), waxayna caawa booqanayaan Xarunta Ciidamada Badda ee Midowga Yurub, oo ku taala dibada magaalada London, halkaas oo ay kulan casho sharaf ah uga qeybgalayaan, kaasoo uu u sameyey Admiralka xukuma Ciidamada Badda ee Midowga Yurub, Admiral Peter Hudson.