Gudiga dastuurka oo sheegay in ay soo gabagabeeyeen qorista dastuurka.
Muqdisho, (TFG): Guddiga dastuurka iyo arrimaha federaalka, ayaa shaaca ka qaaday in ay soo gabagabeeyeen qorista dastuurka cusub ee uu dalku yeelanayo.
Guddoomiye ku xigeenka Gudiga dastuurka iyo arrimaha federaalka, C/qaadir Sh. Cismaan, oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen dastuurka cusub ee uu yeelanayo dalka, kaasoo sal looga dhigay shareecada Islaamka.
C/qaadir Sh. Cismaan, ayaa sidoo kale sheegay in ay howshan wadeen mudo dheer, balse la soo gabagabeeyay diyaarintiisa, wuxuuna sheegay in loo gudbin doono maalmaha soo socda Golaha Baarlamaanka, si loo eego inta aan cod loo qaadin.
Guddoomiye ku xigeenka, ayaa intaa ku daray in dastuurka cusub afti loo qaadi doono marka ay ansixiyaan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana la sii marsiin doono si ay u hubiyaan in uu shareecada Islaamka waafaqsan yahay iyo in kale Culimada Aqoonta u leh diinta Islaamka.
Guddoomiye ku xigeenka Gudiga dastuurka C/qaadir Sh. Cismaan, ayaa dhanka kale sheegay in dastuurka, sidoo kale loo qaybin doono shacabka Soomaaliyeed, markii ay soo aqristaana, cod loo qaadi doono, wuxuuna sheegay in uu dhaqan geli doono marka shacabka u codeeyo dhaqan galkiisa.
Dastuurkan, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay dowladda Soomaaliya yeelato mudo 20 sano kadib, waxaa uu noqon doonaa hadii ay u codeeyaan dadweynaha Soomaaliyeed, mid dhaqan gal noqda oo soo afjara nidaamyada kala duwan ee awood qeybsiga loo yaqaano, iyadoo looga gudbi doono nidaamka xisbiyada, kaasoo ka tayo iyo qaab wanaagsan laguna gaari karo midnimo, maadaama dadkii horey isku kooxda ahaa ama isku haybta ahaa, ay ku kala biiri doonaan Xisbiyadaas.