Muqdisho, (TFG): Agaasimayaasha Wasaaradaha dowladda qaarkood, ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cade International ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Djabuuti.
Agaasimaha Wasaarada warfaafinta C/risaaq Cali Yuusuf, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in ilaa 13 Agaasimayaal wasaaradeed ay magaalada Jabuuti, uga qeybgali doonaan aqoon isweydaarsi ku saabsan habka maamulka iyo shaqada iyo sidii dhexdooda looga dhexdhalin lahaa qaab wada shaqeyn, iyadoo ay ku wehliyaan labo xubnood oo ka socda xafiisyada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'isal wasaaraha.
C/risaaq Cali Yuusuf, ayaa sidoo kale sheegay in Aqoon isweydaarsiga uu furi doono Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Maxamed Cabdi Maareeye oo ka soo kicitimi doona magaalada Nairobi, wuxuuna sheegay in aqoon isweydaarsigan ay soo qaban qaabisay Hay’adda NDI, uu socon doono mudo afar maalmood ah, wuxuuna sheegay in Agaasimayaashu, ay isku dhaafsan doonaa aaraah iyo fikrado ku aadan habka maamul wanaaga iyo shaqada.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Hay’adda NDI u sameyso aqoon is weydaarsi iyo siminaaro, howl wadeenada Hay’addaha dowladda iyo shaqaalahaba.
Wasaarada Warfaafinta, Muqdisho