Madaxweynuhu, wuxuu ugu horeyn la kulmay, Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska, Mr. David Milband, wuxuuna sidoo kale kulan la yeeshay Ra’isal wasaare Gordon Brown.
Dowladda Britain, waxay kulamadaas ku ballan qaadey in ay u fulinayso dowladda Soomaaliya dhammaan codsiyadii ay u gudbisay, waxaana wafdiga Soomaaliya, u balansan in uu la kulmo Madax kale oo fara badan mudada seddexda maalmood ah ee uu joogo dalkaas.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sh. Shariif Sh. Axmed, waxaa uu aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska, kula kulmay wafdi ballaaran oo dowladda Ingiriiska, u qaabilsan iskaashiga caalamiga, waxaana wafdiga dhinaca dowladda Ingiriiska, hoggaaminayay Wasiir Muslim ah, iyadoo ay dhanka kale ka soo qayb galeen kulankaas Xildhibaano ka socda Xisbiga Mucaaradka.
Madaxda dowladda Ingiriisku, waxay Madaxweynaha u sheegeen in ay si buuxda diyaar ugu yihiin gacan siinta dowladda Soomaaliya, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa, “waan ku garab taagan nahay maxaa yeelay gacan siinta dowladdaada waa arrin sax ah oo xaq ah, danta dalkayaga ayaana ku jirta in aad ka guulaysato argagixisada.
Madaxweynuhu, wuxuu kulankaas kadib, hadal ka jeediyay Xarunta aqoon is weydaarsiga ee Chatham House, halkaas oo ay su’aalo badan ay ku weydiiyeen dadkii ka soo qeybgaley kulankaas, kuwaasoo isugu jirey Soomaali iyo Aqoon yahano dalkaasi u dhashay, Safiirro iyo Aqoon yahan kale oo wadamada caalamka ka socda.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa, maalintii koowaad safarkoodii wuxuu ku soo dhamaaday guul, waxayna berri kulamo badan la yeelan doonaan Wasiiro badan iyo Madax kale oo dalkan Britain ah.
Madaxweynaha, waxaa dhanka kale Wareysiyo ka qaadaya maalmaha soo socda Televissionada Caalamka ee caanka ah sida: CNN, Channel 4 iyo Al Jazeera.