Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa ugu horeyn hambalyo u direy Haweenka Soomaaliyeed, Munaasabada maalinta Haweenka awgeed, wuxuuna Haweenka u rajeeyay in ay Munaasabadaan Munaasabadeeda ku gaaraan nabad iyo horumar.
Mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur, oo ka hadlaayay dhibaatooyinka loo geysto Haweenka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dowladdu ka warqabto dhibaatooyinka iyo tacadiyada ay Maleeshiyaadka kooxaha dowladda ka soo horjeeda ku hayaan Haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay kula kaceen falal isugu jira Gowrac, Rajmi ( ama in Dhagax qofka lagu dilo), Jirdil iyo Karbaash intaba.
Guddoomiyaha, ayaa intaa ku darey in aysan jirin wax cadeymo ah oo ay soo bandhigayeen markii ay falalkaas ku sameynayeen, wuxuuna sheegay in arrimahaasi yihiin kuwo shareecada Islaamka lid ku ah,
Guddoomiyaha, ayaa dhanka kale sheegay in Haweenka Soomaaliyeed, ay door muhiim ah ka soo qaateen horumarka dalka iyo xoriyada, xilligii loo halgamayay jiritaanka Soomaaliya, isagoo ka codsaday Haweenka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibadda, inay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan ka qeybqaadashada dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta dalka.