Muqdisho, (TFG): Munaasabad lagu xusayo maalinta Haweenka Aduunka, gaar ahaan maalinta Haweenka Soomaaliyeed, ayaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada vila Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
.jpg)
Munaasabadaan, oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada horumarinta haweenka iyo daryeelka qoyska, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Masuuliyiinta labada Gole ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Xubno ka tirsan Haweenka, iyo Fanaaniinta Soomaaliyeed, waxaa Munaasabadaasi lagu soo bandhigay suugaan iyo riwaayad ka turjumaysa doorka Haweenka iyo dhibaatooyinka loo geysto.

Munaasabadaas, waxaa hadalo ka jeediyay Madaxdii ka soo qeybgashay oo ay ka mid aheyd Wasiirada horumarinta reer miyiga marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, oo sheegtay in maalinta haweenka awgeed ay haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayso Munaasabadaas, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay in haweenku ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka.

Munaasabadan, ayaa waxaa kuwo la mid ah ay ka dhaceen isla magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobalada dalka, kuwaasoo ay soo qaban qaabiyeen Ururo iyo Hay’addo wadani ah, waxaana lagu soo bandhigay dhibaatooyinka loo geysto haweenka Soomaaliyeed.

Munaasadaas, ayaa waxaa lagu soo bandhigay heerka dhibaatooyinka loo geysto haweenka soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka soo qaateen xoriyada, iyadoo lagu xusay kaalintii ay ka soo qaadatay marxuumad Xaawo Taako, oo aheyd haweenay Soomaaliyeed oo ka qeyb qaadatay dagaalkii lala galey gumeystihii dalka.

Munaaasabada, waxaa dhamaan masuuliyiintii ka soo qeybgashay oo ay dhamaantood ku dheeraadeen doorka Haweenka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen iyo kaalinta ay kaga jireen bulshada marka dhibaatadu timaado iyo qeybta ay ka qaadan jireen dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka.

Munaasabadan, ayaa inta badan aan laga xusin sida la sheegayo goobaha ay gacanta ku hayaan kooxaha nabad diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed, waxayna dhamaan Haweenkii ka soo qeybgaley Munaasabadaas ka muqday wajiyadooda farxad iyo reynreyn iyo qiiro wadaninimo.
Wasaarada Warfaafinta, Muqdisho