Wasiirada horumarinta haweenka iyo daryeelka qoyska oo hambalyo ku aadan maalinta Haweenka u dirtay Haweenka Soomaaliyeed.
London, (TFG): Wasiirada horumarinta haweenka iyo daryeelka qoyska, marwo Fowziyo Maxamed Sh. Xasan, ayaa Haweenka Soomaaliyeed, meelkasta oo ay joogaan u dirtay hambalyo ku aadan maalinta Haweenka Aduunka ee 8-da Maarso.
Wasiirada horumarinta haweenka iyo daryeelka qoyska marwo Fowziyo Maxamed Sh. Xasan, oo u waramaysay warbaahinta dowladda, iyadoo ku sugan magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska, ayaa hambalyo u dirtay dhamaan Haweenka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan Munaasabada maalinta haweenka Aduunka awgeed.
Wasiirada, ayaa sheegtay in ay aad iyo aad ugu faraxsan tahay dhicitaanka Munaasabada maalinta Haweenka Aduunka ee 8-da march, iyadoo haweenkana u rajeysay in ay Munaasabadan Munaasabadeeda ku gaaraan nabad, horumar iyo barwaaqo, waxayna sheegtay in Haweenka ay door muhiim ah kaga jiraan bulshada, ayna wanaagsan tahay in dhibaatada laga dhaafo lana xurmeeyo, maadaama ay yihiin hooyooyinkii na dhalay dhamaanteen.
Wasiirada, ayaa ugu danbeyn sheegtay in loo baahan yahay in Haweenku ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta dalka, si looga baxo dhibaatada dalka ka jirta, waxayna Haweenka kula talisay inay u diyaar garoobaan howlaha dalka lagu horumarinaayo oo ay dhankooda ka qabtaan sidii ay awalba uga shaqeyn jireen.