Tehran, (TFG): Wasiirka arrimaha dibada dalka Iiran Manoucher Motaki, ayaa sheegay in hadii nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo geeska Afrika ay taasi wadada u xaari doonto in ay ku soo dhiiradaan maal qabeenada, ayna door ka qaadato horumarka iyo dib u dhiska bariga Afrika.
Wasiirka arrimaha dibada dalka Iiraan Manoucher Motaki, ayaa hadalkan ka sheegay kadib kulan afar geesood ah oo uu magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula qaatey Madaxda dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Xoghayaha Guud ee Urur gobaleedka IGAD.
Kulanka ka dib ayuu Wasiirku sheegay in Iiraan, ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato dib u soo celinta nabada iyo amniga Soomaaliya, isagoo sheegay in Iiraan, ay doonayso in ay kala tashato habka ugu haboon ee ay gacan uga geysan karto arrimahaas dowladdaha dariska la ah Soomaaliya, sida Kenya iyo Urur gobaleedka IGAD.
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, mudane Cali Axmed Jaamac (Jingili), ayaa dhankiisa sheegay in xalka Soomaaliya, uusan ku jirin talaabo Militari, wuxuuna sheegay in ay wanaagsan in dhanka wada hadalka ay ku jirto danta Qaranka, ayna tahay xalka kaliya ee dhibaatooyinka Soomaaliya lagu dhameynkaro.
Mudane Cali Axmed Jaamac, ayaa soo dhaweeyay dadaalada Iiraan ay ku doonayso in lagu xaliyo dhibaatooyinka kajira dalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahad celiyay dadaalkoda walaaltinimo ee ay wadaan isagoo ku amaanay Madaxda dalkaasi sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya xal loo helo dhibaatadeed.
Xoghayaha Guud ee Urur gobaleedka IGAD, Maxbuub Maxamed, ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhaweynayaan dadaalka Iiraan ee ku aadan dib u soo celinta amniga dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in talaabooyinkan ay markasta igad taageerayso, isagoo sheegay in ay ku raja weyn yihiin in ay miro dhal noqonayaan hadii is biirsadaan taageerada Iiraan iyo howlaha ay IGAD wado.