Wasiirka arrimaha gudaha oo dhalinyarada ugu baaqay in ay waxbartaan kana digtoonaadaan qayaanooyinka kooxaha dowladda ka soo horjeeda.
Muqdisho, (TFG): Wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, mudane Sh. C/qaadir Cali Cumar, ayaa sheegay in kooxaha dowladda ka soo horjeeda ay dhibaatooyin ku hayaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
Wasiirka arrimaha gudaha Sh. C/qaadir Cali Cumar, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in kooxaha dowladda ka soo horjeeda, ay ku mashquulsan yihiin sidii ay dhalinyarada Soomaaliyeed, ugala dagaalami lahaayeen dhanka waxbarashada iyo horumarka.
Mudane Sh. C/qaadir Cali Cumar, ayaa intaa ku darey in Maleeshiyaadka kooxaha dhibaatada dalka ka wada ay dhalinyarada u jiheeyeen meelo xun xun, wuxuuna sheegay in ay xitaa ka mashquuliyeen dhanka waxbarashada.
Wasiirka arrimaha gudaha Sh. C/qaadir Cali Cumar, ayaa dhalinyarada ugu baaqay in ay ka feejignaadaan kooxahaas, wuxuuna kula dardaarmay in ay waxbarashada ku dadaalaan si ay u gaaraan horumar, isagoo sheegay in Jahligu uu horseedo in qofku uu ku dhaco ama galo danbi, balse Aqoontu ay qofka u iftiimiso waxa wanaagsan.
Wasiirka, ayaa kooxahaas ku eedeeyay in ay dhalinyarada waxbarashada ku jirta u qortaan Maleeshiyooyinkooda si ay ugu dagaalamaan, iyagoo ka weecinaya dhanka waxbarashada iyo hamigii uu Ardaygu u lahaa in uu ku gaaro Mustaqbal wanaagsan, wuxuuna sheegay in loo baahan in loo istaago sidii looga badbaadin lahaa kooxahaas dhalinyarada Soomaaliyeed jaha wareerinaaya.