Guddoomiyaha degmada Wadajir oo sheegay in aysan jirin wax baad ah oo laga qaado gaadiidka ka shaqeeya degmadaasi.
Muqdisho, (TFG): Maamulka degmada Wadajir, ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin lacago baad ah oo laga qaado gaadiidka ka shaqeeya deegaankaas.
Guddoomiyaha degmada Wadajir,Axmed Xasan Cadoow (Axmed daaci), ayaa sheegay in amaanka degmada Wadajir uu aad u wanaagsan yahay la iskuna haleyn karo, wuxuuna been abuur ku tilmaamo lacago la sheegay in si baad ah looga qaado gaadiidka ka shaqeeya deegaankaas.
Mudane Axmed Xasan Cadoow, oo u waramayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan degmada Wadajir,ay ku naaloonayaan nabad iyo horumar, wuxuuna sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo loo geysto.
Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan lacago aad u yar oo aan ku filnayn dhaqaalaha ku baxa Maamulka iyo ciidamada laga qaado, balse aysan jirin wax baad ah oo dadka ama gaadiidka laga qaado, isagoo sheegay in dadweynaha iyo Maamulku,ay isku xiran yihiin, taasina ay cadeyn u tahay sida ciidamada amaanku u fashilinayaan had iyo jeer is ku dayada kooxaha dhibaatada ka wada dalka.
Guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Cadoow, ayaa ugu danbeyn sheegay in degmadu tahay deegaanka ugu nabdoon ee ay dadka intooda badan ku soo barakaceen, wuxuuna intaasi ku darey in loo baahan yahay in la iska kaashado amaanka si loo xaqiijiyo.