Kulankaas kadib waxaa saxaafada shir-jaraa’id u qabtay Sh. Cumar Sh. Maxamed Faarax, wuxuuna u aqriyay saxaafad Qodobadan soo socda:
1.In dhamaan Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca meel kasta oo ay joogaan, dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeedba, ay meel uga soo wada jeestaan sidii loo xoreyn looga xorey dalka Kooxaha nabad diidka ah, Qaran diidka ah ee diinta ka been sheegaya sida xisbul islaam iyo shabaab.
2.Madaxda Ahlu Suna Waljamaaca, waxay si buuxda u taageereen heshiiska dowladda KMG ah iyo Culumaa’udiinka Ahlu Suna, ay ku gaareen magaalada Addiss-ababa ee xarunta dalka Ethiopia, 13kii bishii Febraayo, 2010-ka, waxayna Madaxda Ahlu Suna Waljamaaca, soo jeediyeen in heshiiskan sida ugu fiican ee danta dalka, diinta iyo dadku ku jirto loo fuliyo.
3.Madaxda Ahlu Suna, waxay ka codsanaysaa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay gacan ka geystaan meel marinta heshiiskan, si dalka loogu soo celiyo nabad iyo Qaranimo.
4.Ahlu Suna, waxay beesha Caalamka uga mahadcelinaysaa taageerada ummada Soomaaliyeed ay ka siiso gargaarka bini-aadanimo iyo sidii loo heli lahaa xasilooni iyo nidaam dawli ah oo ka hirgala dalka Soomaaliya.
Madaxdii war saxaafadeedkan ku saxiixnaa ee Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca, ayaa waxay kala ahaayeen:
Waxayna Culumadu ugu danbeyn ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar garoobaan dagaalka looga xoreynayo dalka kooxaha diinta ka been sheegaya, si loo suuliyo shirkiga iyo baadilka ay dalka ka wadaan.