Wasiirka arrimaha gudaha oo ka qeybgaley Munaasabad lagu soo bandhigayay dhalinyaro ka soo goostey kooxda Xisbul Islaam.
Muqdisho, (TFG): Munaasad lagu soo bandhigay Askar ka soo goostay mid ka mid ah kooxaha dowladda ka soo horjeeda, oo ay ka soo qeybgaleen Wasiiro dowladda ka tirsan ayaa lagu qabtay Hoolka Wasaarada warfaafinta ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadan, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh. C/qaadir Cali Cumar, Wasiiru dowlaha madaxtooyada mudane Xasan Macalin, Masuuliyiinta Wasaarada warfaafinta, iyo Xubno kale, waxaana lagu soo bandhigay ilaa 7 askari oo ka tirsanaa Maleeshiyada kooxda Xisbul Islaam, kuwaasoo isu soo dhiibay dowladda KMG ah.
Wasiirka arrimaha gudaha mudane Sh. C/qaadir Cali Cumar, oo Munaasabadaas hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in dowladdu soo dhaweynayso cid kasta oo doonaysan in ay hubka iska dhigto ama dowladda ugu shaqeyso, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay in dhalinyaradu ay fahmaan dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed, ayna dareemaan in dalku u baahan yahay nabad iyo horumar, si loo helana loo baahan yahay in dhalinyaradu gacan ka geysato, maadaama ay yihiin lafdhabarta Bulshada.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada mudane Xasan Macalin, oo Munaasabadaas hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in talaabada dhalinyaradu ku dhaqaaqeen ay tahay mid geesinimo leh, wuxuuna sheegay in dowladdu albaabadeeda u furtay cidkasta oo samodoon ah, ayna diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan koox kasta oo doonaysa in wada hadal wax lagu dhameeyo.
Maleeshiyadan, oo tiradoodu aheyd 7 dhalinyaro ah, oo uu ku jiray Wiil da’diisa lagu sheegay 12 sano jir, kaasoo sheegay in uu tababar ku soo qaatey deegaano duur ah, oo ku yaala Jubooyinka, halkaasoo ay tababar ku siinayeen kooxa Ajaaniib ah, wuxuuna sheegay ka hor inta aan halkaas la geyn in cirbad lagu durey.