Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo baaq u jeediyay Beelaha ku dagaalamaya gobalka Mudug.
Muqdisho, (TFG): Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa kulan looga hadlayay sidii loo xalin lahaa dagaal labo beelood ku dhexmarey deegaano ka tirsan gobalka Mudug ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Mudanayaashan, ayaa kulankooda ku cambaareeyay dagaalkaas, waxayna ku tilmaameen mid dhibaato u horseedaya dadka ku dhaqan deegaanka, waxayna ugu baaqeen labada Beelood ee dagaalku dhex marey in ay si shuruud la’aan ah dagaalka ku joojiyaan.
Mid ka mid ah Mudanayaashaas oo lagu magacaabo C/nuur Maxamed Yuusuf, oo u waramayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in Mudanayaashu kulankooda ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dagaalada ka dhacaya gobalka Mudug, wuxuuna sheegay in ay ku tilmaameen kuwo nasiib daro ah, oo aan loo baahnayn.
Xildhibaan C/nuur Maxamed Yuusuf, ayaa intaasi ku darey in Xildhibaanadu ku baaqayaan in la joojiyo dagaalada la abaabulayo, wixii dhacayna laga wada heshiiyo, lagana shaqeeyo sidii loo damin lahaa Colaada.